malistar2012 Posted July 13, 2015 PM Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke lands in Cadaado Galmudug R/Wasaare Cumar C/rashiid ayaa galabta gaaray Magaalada Cadaado, wuxuna la kulmay Madaxd Galmudug(Sawiro) by mahad | Monday, Jul 13, 2015 | 1814 views July 13 (Jowhar)— R/Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa galabta tagey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isagoo uga sii gudbay magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxana mudadii koobnayd ee uu jooga Cadaado la kulmay hoggaanka Maamulka KMG ah ee Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cadaado kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, wuxuna ugu hambalyeeyey doorashadooda, isagoo kula dar-daarmay in ay sii wadaan dib u heshiisiinta iyo raadinta nabadda si loo gaaro xasilooni Siyaasadeed oo deegaanka ka hana qaado. R/Wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Cadaado, ayaa sheegay in ujeedka Cadaado usoo gaaray R/Wasaare Cumar ay tahay sidii ay u kala warqaadan lahaayeen dowladda dhexe iyo Maamulka Galmudug. “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada Maamulka KMG ah ee Galmudug. Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadatodhamaystirka maamulkan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro dhibaatooyinkii deegaanka ka jiray” ayuu yiri R/Wasaare Cumar. Quote Share this post Link to post Share on other sites