Sign in to follow this  
Mooge

Daahir Calasow is crying. Mooge was right. Best outcome for Puntland

Recommended Posts

Mooge   

Waagacusub.info- Guusha iyo Guuldaradda waxeey ku xiran tahay Xildhibaanadda Baarlamaanka Galmudug .

 

Hadii ay lacag qaataan oo Musharaxa Damujadiid u codeeyaan waxeey noqon doontaa maalin madoow oo inta waxgarata ku biirto Maamulka Dhuusamareeb.

 

Cabdi Kariim Xuseen Guuleed hadii la doorto wuxuu Xarun ka dhigan doonaa Muqdisho maxaa yeelay kuma noolaan karo Galgaduud iyo Mudug.

 

Ahlusunah waxaa ka go-an iney la dagaalamaan oo qori caaradiis uga saaraan gobolka.

Cabdi Qeybdiid waxaa ka go-an inuu dagaal wajahi hadii Cabdikariim laaluush ku noqdo Madaxweyne.

 

Cabdiwaal oo ah ninka ugu awooda badan goboladaas waxaa maalin walba laga waaniyaa inuu Cadaado weeraro si uu Cabdikariim u soo xiro.

 

Dadka degaanada u dhashay Dal iyo Dibad waxeey ka soo horjeedaan Musharaxnimada Cabdi Kariim.

Xildhibaanadda Baarlamaanka Galmudug 35 ka mida waxaa la hubaa iney ku biirayaan Maamulka Dhuusamareeb looga dhawaaqay hadii Cabdi Kariim Madaxweyne noqdo.

 

Dadka jooga Cadaado waxeey leeyihiin rajo lagama qabo inuu Madaxweyne noqdo Musharaxa Damujadiid laakiin xaqiiqadu waxeey tahay inaan Maamul laga sugin Cadaado hadii ninkaas ka soo baxay.

 

Hadii uu leeyahay damiir damqado wuxuu ku dhiiran lahaa inuu iskaga tago maadama uu xaqiiqsaday cadaawadda loo qabo.

 

Galmudug uma baahna xilligaan qof meel walba looga dhegan yahay oo Mucaaradkiisa noqday boqolkiiba boqol laakiin waxeey u baahan yahay Masuul heeysta taageeradda bulshadda.

 

Hadii Musharaxiinta taagan ee laba Axmed midkood ku guuleeysto doorashadda Madaxweynaha Galmudug waxaan hubaa inuu dhalan doono isfaham iyo israac mira dhala maadama shirka Dhuusamareeb uu yahay mid ka dhashay Caro laga qaaday Cadaalad daradda Kooxda Damujadiid.

 

Saadaasheeyda ugu dambeeya ee aan rabo inaan ku qoro diiwaanka waxeey tahay in maalinta taariikhdu tahay 4 July 2015 uu xilka Madaxweynaha ku guuleeysan doono Axmed Macalin Fiqi ,isagoo heli doono 53 cod.

 

Sikastaba ha ahaatee hal maalin iyo saacado ayaa naga xiga waqtiga doorashadda,waxaana Xildhibaanadda Baarlamaanka Galmudug kula talin lahaa iney lacag ka doortaan taariikh wanaagsan si looga guuleeysto Cadawga Galmudug State of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this