Sign in to follow this  
Mooge

Dhusamareb Admin moving fast: Ximan Xeeb Minister joins Dhusamareeb Conference.

Recommended Posts

Mooge   

Cadaado(Puntlandone.com):- Maxamed Xaaji Xuseen Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu ku biiray Shirka Dhismaha Maamul loo dhan yahay ee Ahlusunnah Waljameeca ay ka furtay magaalada Dhuusamareeb ka dib markii Shirka Cadaado uu noqdo mid Hagar daamo iyo dhibaato ku haya dadka Dega Koonfurta Mudug iyo Galgaduud islamarkaasina wadadii saxda ahayd ka leexday.

Ximan_iyo_Xeeb-620x330

Maxamed Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay inuu la dhacsan yahay qaabka Ahlusunnah waljameeca ay wax u waddo, isagoo sheegay in shirka Dhuusamareeb uu yahay mid lagu badbaadinayo Masiirka Ummadda Gobolada dhexe islamarkaasina looga faa’iidaysanayo inuu Koonfurta Mudug iyo Galgaduud loo dhiso Maamul lagu midaysan yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Fadqalalo ka dhex abuurtay Maamulka Ximan iyo Xeeb ka dib markii la go’aansaday in Maamul la dhisto ayna ka mid tahay sababaha uu Dhuusamareeb u tagay oo maamulka Ahlusunnah waljameeca wadda wax uga soo dhisanayo.

Dowladda Puntland ayaa horay uga hortimid shirka Cadaado ee Maamulka Galmudug loo bixiyey lagu soo dhisayo ka dib markii Shirkaasi uu ku sifoobay Dhul boob iyo Nidaam Darro sababi karta in dagaal Sokeeye uu Gobolka Mudug ka dhaco iyadoo Dowladda Puntland ay soo dhawaysay shirka loo dhan yahay ee Ahlusunnah Waljameeca Dhuusamareeb ka furtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado subclan and Dhuusomareeb subclan are embarrassing their common clan!!!

 

What a joke.

 

Mooge, do u understand now why i hate Somali version Federalism and will always be Centralist????

Somali Maryooleey knows zero about federalism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this