Sign in to follow this  
malistar2012

alshabaab attacked foiled for second time in a week all attackers killed

Recommended Posts

Hay’adaha Ammaanka oo ka warbixiyay weerarkii saakay Ciidammadu fashiliyeen”SAWIRRO

qarax-4.jpg

 

Xilli Saakay Aroortii Hore kooxaha Dhagar qabayaasha ay isku dayeen in ay weerar ka fuliyaan degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamm ada hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo Taxadar iyo feejignaan Ammaanka laxiriirta ku jiray ay ku guuleysteen in ay Fashiliyaan isku dayga kooxda ee Dhicisoobay.

 

Ciidammada ayaa rasaas ku furay gaariga Nuuciisu ahaa NOHA oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaddib markii uu ka dhaga Adeegay in uu joogsado isagoo ku qarxay goob barxad ah oo kubadda Cagta lagu ciyaaro oo ku taalla Degmada Shibis.

 

Ha’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka sedex ka mid ah maleeshiyaadkii qaraxa gaystay uu ku jiro Darawalkii gaariga waday, iyo labo ruux oo ku Cararay guri dad rayid ah ay leeyihiin oo ku yaala Nawaaxiga goobta uu falka ka dhacay kuwaasi oo ay toogteen ciidammada Nabad Sugidda Qaranka.

 

Guddoomiyha degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay fashiliyeen weerarkaas oo uu ku sheegay in uu ahaa mid dadka ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan.

 

fhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha maxamed Yuusuf Cismaan ayaa warbaahinta u Sheegay in kooxda alshabab ay doonayeen inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed ee Sooman balse Ciidammada ay ka hortageen.

 

Halka weerarka fashilmay ay ku qaadeen argagixisada Alshabaab ayaa ahayd goob barxad ah taas oo muu jinaysa sida ay u doonayaan kooxdaas inay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed eek u danaya waajibaadka Bisha Rammadaan.

 

Ciidammada hay’adahaa Amniga ayaa sii kordhiyay howlgallada Amaanka Caasimadda lagu sugayo taasi oo keentay in ay hoos u dhacaan weeraradii kooxda shabaab ay ka geysan jirtay bulshada dhexdeeda aydoo wadooyinka Magaalada Muqdisho lagu arkayo ciidan ka tirsan hayadaha Amniga oo howlgallo maalin iyo habeenba leh sameynayaan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this