Sign in to follow this  
odayga inanta

Suugaanta Iyo Dumarka

Recommended Posts

Marka suugaan ama maanso la soo hadal qaado waxa dhagahaaga kusoo dhacaya; Abwaan hebel wuxu yidhi, Gabayaagii caynkaa ahaa wuxu yidhi iyo wax la mida. Marnaba in aad gabadh soomaaliyeed waxay tidhi aad soo qaadato aad ayay u yartahay. Maadaama aanay soomaalidu inta badan dumarka tusaale u soo qaadan, taa macnaheedu ma waxa weeyaan dumarku ma maansoodaan, mise suugaanta dumarka ayaaba ahayn mid tayo leh sida ta ragga soomaalida.

 

Dadkii ajaanibta ahaa ee ugu horrayn gayiga soomaaliyeed soo gaadhay waxay soomaalida ku sheegeen inay yihiin dad wada gabya, uma kala saarin rag iyo dumar. Intii suugaan soomaaliyeed la ururiyay ama la qoray, waxay u badantahay wax rag ay tiriyeen. Halkaa waxa ka cad in kaalintii dumarka ee suugaanta la iska indha tiray amaba aan la siin xaqeedii.

 

Dhaqanka soomaalida oo aad ugu ad adkaa dumarka sidii kii carabta islaamka ka hor ayaa waxan odhan karnaa inuu sobab u yahay hoo u dhigida kartida dumarka soomaalidu ay leeyihiin. Waxa la yidhi soomaalidu been way sheegtaaye been ma maahmaahdo. Dhaqanka qaybta kaliya ee dumarka xaqooda siisa waa maahmaahyaha; sidaa darteed waxay soomaalidu ku maahmaahootaa; Dumar baa rag is dhaafshay iyo kuwa badan.

 

Haddaba dumarku dhanka suugaanta ragga kama yaraystaan, balse qaybo raggu aanay lahayn ayay iyagu leeyihiin. Bal aan is yar dul taagno godadka kala duwan ee dumarka ka maansoodaan.

 

Godka gabayga:

Gabaygu godadka maansada laga tiriyo waa ka ugu sarreeya, dumarkuna qayb libaax ayay ku leeyihiin. Waxa kamida dumarkii tiriyay;

 

Caasha Jaamac Diiriye

 

Silsiladdii siinlayda ee 1970 horraantiisa ayay caasha ka qayb qaadatay. Maansooyinka la is dhaafsanayay waxa laga wada tiriyay godka jiiftada, laakiin Caasha jaamac oo ahayd gabadha kaliya ee ka qayb qaadatay ayaa iyadu raggii oo dhan ka badisay oo ka tirisay godka gabayga. Gabaygeedii waxa kamid ahaa.

 

Saddex inan rag waw simanyahee sadar kalaan baanay

Midi waa saddexyaha ku yaal sadar kalaan baanay

Magta inan rag waw simanyahee sadar kalaan baanay

Haddiise saawa saawiyo la galo suruf colaadeeda

Ooy soo rogaay iyo ceshaay siigo kor u duusho

Lama simo sarbeed halgabaha iyo dib u saqleeyaha e

Nimankii saxarla faalleeyay ee siinka ka hadlaayay

Aniguna iskuma soorayoo kala sad weeyaane

Sarise maayo boogtee waxan ku saameelay

Waa wada sokeeyiyo rag aan summad wadaagnaaye

Intiinaa sadkiin wuxu noqdaan idinku sooryeeyay

Saddex hadal-xidhaaloo jira siinka ka higaadsha

Siday tahay u soo qora ma rabo inaydun seegtaane

Sahan hooyadaa nin ay dhashoo saaka kula joogaa

Ood sal iyo maandhaw taqaan soorna kula quutay

Sina aan walaal kuugu noqon siinka ka higaadsha

 

Jamaad Cabdulle Xasan " sayidka walaashii".

 

gabaygan waxay tirisay markii daraawiishtii laga adkaatay ee ay jabeen ayaa waxay magan galyo ugu galeen boqoro oromo ah. Nin boqorada kamida ayaa Jamaad isku dayay inuu guursado, markaasaa iyada oo ka qashaafaysa gabaygan tirisay. Iyadoo xuseen diqle kusoo hal-qabsanaysa ayaa waxay tidhi.

 

Xuseenoow qof meel laga hayoo maahsan baan ahaye

murugaygu raagtoo qalibigu way madawyahaye

Mid yaroon ku faro iiga gee madaxda reer daadhi

Muddaday shiraan iyo ka wari madasha geedkooda

Axmad iyo mukhtaariyo u sheeg qoomka maxamuud leh

Xasan iyo qayaash-maash abtoow dhab ugu maaweeli

Malaw dhima e reer muxumadoow waad I moogtahay dheh

Maxaad iigu muhateen sidii naado miis daran dheh

 

Amran Max'ed Jaamac ayaa iyadna godka jiiftada kaga dhufatay. Waxay tidhi.

 

Guursan maayo jeeroon

Cilmi gaadho dooro

Aan gu dhigo tacliinto

Gayiga u adeegee

Guursan maayo jeeroo

Waddankaygan qaniga ah

Macdan aan ka gooboon

Gobol gobol warshadihiyo

Laydhku ay is gaadheen

 

Suugaanta god kasta oo ay raggu ka maansoodeen dumarkuna way ka tiriyeen iyaguna. Waxase jirta qaybo dumarka ku kooban oo ay ragga dheeryihiin, waxa kamida.

 

Buraanburka, Sitaadka, hees-hawleedad dumarka u gaarkaha sida; kabada, aloolka, aqal dhiska, lulida haanta, caws gurida, xoolaha iyo maqasha. Waxa kale uu u gaar ah kuwa sida galbiska gabadha, kuwa tiritirsiinta bulashada, iyo waddaniyadda.

Haddaan mid walba tusaal kasoo qaadano.

 

Buraanburka.

 

Ceebta waa laga fogaadaaye feejignow

Ayaanu ciishoonin wiilkaa kusoo calmaday

Ciidan wuxu kariyay cuntadiisu yaanay noqan

 

Sitaadka:

 

Alla mulkow maaligow murug tiroow ilaah

Oo maalinta la is xisaabaayo noo xil qari

Oo maalinta bacadka kulul biyo qabow nasii

 

Heesta Kabaddan:

 

Koronkor cuni maynoo

karina maynee

Karuur geel ma lahayaayee

Naagta kabada laheey

Kaalin daraneey

Adaan kayd hore u dhaganeey

 

Heesta Aloolka:

 

Alla waa xujooy allah waa xujooy

Geel xirada diida waa xujooy

Alla waa xujooy alla waa xujooy

Xero kale ka ololaa waa xujooy

 

Heesta haanta:

 

Haantii qabooy qoor yar

Laba qaalin kula buubtay

Laba qoor laguu kala jar

Qooraansigay baratay

Qalabkii raggay aragtay

 

Heesta Cawska marka la gurayo:

 

Cawskanoow sabool diidoow

Waqaan suuqa lagu dhiginoon

Soddon lagugu baayicinoon

Sadiiq lacagta kaa bixinoon

Yaa sameeyay lagu odhan

 

Heesta Maqasha:

 

Daylo daylooy

Daylo wacaneey

Xasan waa kane

Yuu xanaaqine

Yuu ku xawdine

Xasil oo daaq

 

Heesta hadhuudh tumidda:

 

Qamareey qorqode waa qayliyaa

Naa muxuu yidhaa?

Wuu qayliyaa oo qalax tama

Naa muxuu yidhaa?

Naa rida qal oo qari buu yidhaa

Naa muxuu yidhaa?

Naa qiiqu yuu bixin buu yidhaa

Naa muxuu yidhaa?

………………………..

Mooyaha magacii, Ciil-tire

 

Heesta carruurta:

 

Ayaa dilay oo dagaalay

Ayaa duur kulul ku jeexay

Ayaa daqarada ku jiiday

Ninkii dilay dayni maayo

Dagaal baa naga dhexeeya

Dab iyo qool baan u qaadan

 

Heesta galbiska:

 

Gabadha soo galbiyaay guud xariireey

Gayaankeedii baa helayeey..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this