Sign in to follow this  
YoniZ

Nabadoon Maryooley - Shalay iyo Maanta

Recommended Posts

YoniZ   

Marka hore waxaan aaminsanahay in coolaad Maryooley dhexdaada ah lagu joojiyo dariiq kasta oo munaasib ah, hadal iyo ficil intaba.

 

Marka xigta waxaan Nabadoon Axmed Diiriye ku amaanayaa hadalka uu jeediyey ee ku aadan joojinta dagaalada Guriceel.

Quote “Waxa dhimanaya waa dad walaalo ah, waa dad ilmo adeero ah, waa dad halmeel ku wada dhashay. Waxa barakacayna waa walaalihiin ee caqligu ha shaqeeyo.”

 

Hasayeeshee waxa mudan in laxasuusiyo nabadoonka iyo inta madashan kataageerta hadalkiisii shalay, markii beeshiisu kula ladagaalantay beelkale Gobalka Shabeelada Hoose, in waajibka saaran uu ahaa inuu ogaado in Maryooley dhamaan ay yihiin, walaalo, ilma adeer iyo dad halmeel kuwada dhashay.

 

Ujeedada maqaalkan, waa baraarujin in aan ogaano in qabyaaldu ay tahay sida basal ladiirayo oo qolofba qolof ka koreeyo dhacayo, ilaa sakxada iyo meesha ugu hooseysa ay gaarto.

 

Shalay iyo Maanta Nabadoon Maryooley ka bogo hoos:

 

Shalay - Beeshiisa vs Beelkale

------------------------------------------------------

 

------------------------------------------------------

Maanta, Beeshiisa vs Beeshiisa

 

http://universalsomalitv.net/infusions/media/post_somali_6315'>http://universalsomalitv.net/infusions/media/post_somali_6315

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah wax-garadka ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

 

Nabadoonka, ayaa sheegay in dagaalada Guriceel ay niyad jebinayaan dadaaladii laga dhex waday dhinacyada isku haaya Magaaladaasi, isagoona ugu yeeray xabad joojin inay sameeyaan.

 

“Dagaalada ka soconaaya Guriceel waxay niyad jebinayaan dadaaladii laga dhex waday labada dhinac. Waxaa laga doonayaa inay xabadda joojiyaan.” Ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

 

Waxa uu intaa ku daray “Waxa dhimanaya waa dad walaalo ah, waa dad ilmo adeero ah, waa dad halmeel ku wada dhashay. Waxa barakacayna waa walaalihiin ee caqligu ha shaqeeyo.”

 

Waxa uu ku baaqay “Xabadda hala joojiyo ayaan lee nahay waxa dhimanaayo waa dad ehel ah. Cid kaloo cadow ah oo maanta laga dulqaadayo malaha.”

 

Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka ka soo jeeda Gobolada Dhexe, ayaa si weyn waxay ugu baaqayaan inay la joojiyo dagaalada Magaalada Guriceel.

 

http://universalsomalitv.net/infusions/media/post_somali_6315

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this