Sign in to follow this  
Fuaad1508736701

Sacabadada ayaa Biyo looga dhargaa

Recommended Posts

Asc. asxaabta salan kadib saxiibayaal waxa maskaxdaydu ku wareertay ee fahmi wayday afka soomaliga dadka lehi sow soomali ma ahan? haday tahay jawaabtu haa sow macnaheda soomalidu way yaqanan soomaliga ma ahan? haday taasnina jawaabteeda tahay Haa inta badan barta bulshada soomalidu ku kulanto waxa qofku oraahdisu u gudbinayso soo soomali ma ahan ama uma badna? haday taasina haa tahay hadaba maxay soomalidu afkooda hooyo wax ugu gudbin wayeen barta bulashadu ku kulanto sida facebook, twinter iwm. mise akhyaaray anan ogayne qofkii aan luqad qalad wax ku qorin wali ma ilbixin?

 

Jawabahas bal iga jahli sara

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Erayga ilbax macnihiisu siday ila tahay waa qof dhaqamo kala duwan dalal kala duwan soo arkay wixii fiicnaa ka qaatay wixii xumaana ka tagey,

Ama mid awoowayashiis kasoo dhaxlay dhaqan wanaagsan oo ma guuraan ah, kuna dhaqma

 

Soomaaliddu luuqad fiican oo hodan ah baa illaahay ku manaystay balse dadku asagoo socda ama lugaynaya wax ma qori karo, waa in marka hore dalka la jeclaado la fariisto lagu nasto waa meshii awoowayaasheen nooga tageen.

 

 

Fardaha waxaa ugu qurux badan kuwa guri ku dhaladkaa haddii la dhoofiyo u ekaan maayo siduu gurigiisa ku ahaa dadkuna waa la mid.

 

Kuwii qurbaha noogasoo noqday oo la is lahaa waxay soo arkeen dad dhaqamadooda iyo afkooda lacag la’aan kugu baraya amaba lacag kugu siinaya ilaashada,ama lays lahaa waa soo ilbaxeen weyba nasii lumuyeen ayagoo adeegsanaya saxaafad aan tafa tiraba aqoon.

 

Odaygii tuuladiisa iska joogay wuxuu ku weydiinayaa maandhow konsatuushinkii maalin dhaweyd baarlamaanku weday ma la baas gareeyay mise?,,,,maya adeer mooshin buu ahaa kaasu dib ayaa loo dhigay ayaga dhexdoodaa gaab ka jiraa.

 

Biyo sacabadaadaa looga dhergaa waa maah maah qurux badan macnaheedu waa luuqadaada sidaad doonto ugu ciil bax mahadsanid awoowe

 

waxaa kaloo la mida arrad waa dan uskagna waa doqonimo,lama huraan waa cawska jiilaal oo macnaheedu noqonayo meshii awowe hooyo ku dhalay waa in wiilkaagu gabar ugu dhalataa, daruuf kastana loogu dul qaataa.

 

Waxaa ila haboon in turkiga luuqadeena ha loogu duceeyo laakiin caruurteenu aysan luuqadiisa ku heesin, qof dadnimo jecel lama naco.

 

 

ka waran haddii aad arki lahayd sedex caruura oo soomaali ah aadna u yar yar, oo sedex wadan ka kala yimid, ay damceen inay ciyaaraan, hadana mid walbaa ka baqay kan kale luuqadiisa ciyaartiina lagu kala tagey.

 

haddaan wax is bedalin fursado badan oo luuqaddu ku lunto yaa ka banaan soomaaliya.

 

waxaan kaloo xasuustaa gabar qurbaha ka timid oo u doodaysay xaquuqda haweenka iyo dabargoynta fircooniga oo shir ka hadlaysay markay hal eray oo soomaaliya sheegto waxaa ku xiga sadex ingriis runtii aad baa loogu sacabiyay ayadoon wax badan laga fahmin,waxaase looga haray inay mutucalamad dibadda wax kusoo baratay tahay.

 

Iskusoo wada duuboo soomaalidu markay naftooda ka badbaadiyaan dibad jacayl iyo dalal shisheeye bay dalkooda iyo luuqadoodana badbaadin karaan.

badbaado alla.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this