Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Heavy Fighting in Guriceel 15 dead Between Awsj and Govt troops

Recommended Posts

FAAHFAAHIN: ku saabsan khasaaraha dagaalkii ka dhacay Degmada Guri-ceel

0 0 Google +0 0

 

 

Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Ku dhawaad 15 ruux oo ay ka mid yihiin saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kale oo intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus degmada Guri-ceel ku dhaxmaray ciidammada dowladda iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlusunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

 

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen gudaha degmada Guriceel.

 

Gudoomiyaha gobolka Galguduud ee maamulka dowladda Somalia Xuseen Cali Weheliye Cirfo oo la hadllay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inay degmada Guri-ceel xili hore oo saakay ah soo weerareen koox ka tirsan Al-shabaab, laakiin ciidamada dowladda ka hortageen.

 

Hase ahaatee weerarka madaxa-banaan ee degmada laga helayo ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid dhaxmaray ciidammada dowladda iyo xoogagga garab ka mid ah Ahlu Sunna oo sanadkii hore dibada uga baxay degmada, waayadii ugu danbeeyayna ku sugnaa deegaan 70km u jira Guri-ceel.

 

Ilaa iyo hadda ma jiro war ay dagaalka degmada Guri-ceel kasoo saareen saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

 

Dagaalka saakay dhacay ayaa imanaya xilli Dhuusa-mareeb uu booqanayo madaxweynaha dowladda Somalia, Xassan Sh. Maxamuud, dhinaca kalana gobollada dhexe laga waddo qaban-qaabada dhismaha maamul gobolleed ay ku mideysan yihiin gobollada Galguduud iyo Mudug

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Feb/wararka_maanta10-90140.htm#sthash.pJ8RPtdW.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this