Sign in to follow this  
Axmed1508736699

Great news for Somalidiids!

Recommended Posts

Another Koonfurians die in suicideattack. This delights the faces of somalidiids!

 

FAAHFAAHIN: Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo lagu weeraray wafdi Turki ah

0 0 Google +0 0

 

Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu weeraray hoteelka SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu weeraray wafdi Turki ah oo hordhac u ahaa booqashada madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo hoteelkaas deggenaa.

 

Inta la ogyahay laba qof oo ahaa kuwii weerarka fuliyay ayaa ku dhintay, laba qofna ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa xilligaas dad fara badan oo isugu jiray shacab iyo askarta dowladda Soomaaliya.

 

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa qoray in hoteelka albaabkiisa uu ku dhacay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay badbaadeen wafdigii ka socday Turkiga oo hoteelkaas ku lahaa shir xilliga uu qaraxu dhacayay.

 

“Hoteelka waxaa deggenaa wafdi Turki ah, wax khasaare ah oo gaarayna ma jirto,” ayuu yiri Faarax Nuur oo ka tirsan saraakiisha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

 

Cap. Faarax Nuur ayaa intaas ku daray. “Gaarigu wuxuu ku qarxay illinka hore ee hotelka, welina waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sida uu qaraxan ku dhacay iyo cidda ka dambeysa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this