Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garaad Soofe crowning Delegates From SL and Pl well present

Recommended Posts

Ujeedada Weftiyo Xukumadda Ka Tirsan Oo Ku Sii Qulqulaya Buuhoodle

 

Buuhoodle(Ramaas)January-14-2015- Wefti uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa maanta gaadhay magaaladda Buuhoodle.

Wetiga Buuhoodle gaadhay ayaa ka qayb galaya caleemo saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan oo maalinta barri ah lagu caleemo saari doono magaaladda Buuhoodle, waxaana si weyn waftiga ugu soo dhaweeyey magaaladda Buuhoodle dadweynaha deegaanka.

Wasiir xigeenka Warfaafinta ayaa saxaafadda u sheegay in si heer sare ah u qaabishay Weftiga uu ka midka yahay islamarkaana uu si aada ugu mahadcelinayo.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Axmed ayaa shalay isagu gaadhay magaaladdaasi, waxaanu dadweynaha Gobolka ugu baaqay inaanay siyaasadayn xafladda dhaqan ee Garaadka lagu Caleemo saarayo, isagoo ugu baaqay xafladda ka bacdi inay deegaanadooda ku noqdaan siyaasiyiinta maamul Goboleedyada kale ee kala qayb galayaa.

Ramaasnews-desk

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ujeedada-Weftiyo-Xukumadda-Ka-Tirsan-Oo-Ku-Sii-Qulqulaya-Buuhoodle.html#sthash.ojnxIQYl.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Minister of health Xaglatoosiye and deputy parliament speaker Baashe. And the deputy interior Minister of Somaliland Cismaan Garaad Soofe he is the uncle of the to be crowned Garaad And the Deputy Minister of information Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

 

Also Elders from other Somaliland cities have been arriving in Buhoodlle particularly from Burco Hargeysa and Ceerigaabo and Laascanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey Buuhoodle, CAYN (Sawirro)

JANUARY 14, 2015

 

 

IMG_8248

Shacabka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn ayaan u kala harin soo dhaweynta wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland oo ka qayb Galaya Munaasasabadda Caleema Saarka Garaad Cabdirsaq Garaad Soofe.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta waaberigii [14 January 2015] ka anba baxay caasimadda Puntland ee Garowe, waxayna u kicitameen magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

 

ADVERTISEMENTS

 

 

 

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliya qaar ka mid ah golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada iyo xubno kale, waxayna sii mareen deegaano fara badan oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Cayn isyagoo soo dhoweyn aad u diirana kala kulmay dadweynaha deegaanadaasi, wuxuuna Madaxweynuhu u sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa uu ku yimi deegaanda Sool iyo Cayn, isla markaana uu sii joogi doono maalmaha soo socda.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn, waxayna dadweynuhu wafdiga madaxweynaha kaga hor yimadeen meel 50-km u jirta magaaladaasi.

 

Camey ayaa soo dhoweynta ka dib dadweynaha kala hadlay barxadda weyn ee garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle, wuxuuna bulshada uga mahad celiyay sida aadka u diiran ee ay usoo dhoweeyeen isaga wafdigiisa, isla markaan wuxuu u sheegay inuu maaalmaha soo socda joogi doono magaalada kulamo kala duwana uu la qaadan doono bulshada buuhoodle.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa maalinta berri ka qayb gali doona munaasabadda caleema saarka Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe taasi oo ka dhici doonta magaalaada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

 

Soo Dhoweynta madaxweyne Camey waxaa sidoo kale ka qayb gala ciidamada kala duwan ee Puntland kuwaasi oo jooga magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow, wuxuuna Madaxweynuhu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ee gobalka Cayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congrats to Maamulka Khatumo.

Iam glad that Maamulka Somaliland and Maamulka Puntland took part in this caleemo saar crowning.

 

I hope the three regional states in Northern Somalia work together towards peace and progress.

 

Thanks Xaaji for posting the great news.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

loll@Khatumo.

 

niyoow Buuhoodle is the heart of Puntland. God bless that land. the grandson of the famous darwiish warrior Xaaji Cumar Camey is one of the top two leaders of Puntland niyoow.

 

This is a Puntland city. the crowning of Puntland elders are above politics and just like the King of Puntland, King Burhan's coronation which Somaliland sent delegation, Somaliland can send delegation to this one too niyoow. traditional leaders are above politics.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this