Sign in to follow this  
malistar2012

Somalia NISA chief we have destroyed Alshabaab cells captured Saado Ali killers

Recommended Posts

Taliyaha Hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in hay’addu ay bur burisay labo shabakadood oo ay Shabaabku ku lahaayeen Muqdisho, kuwaasi oo geysan jiray dilalka Xildhibaannada iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.

Taliye-Tuuryare.jpg

 

 

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka Korneyl C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa wuxuu maanta hortagey Baarlamaanka Somaliya, ka gadaal markii Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu ugu yeeray in Xildhibaanada uu horyimaado.

Taliyaha, ayaa marka hore waxa uu ka warbixiyay hawlgalada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo soo hadalqaaday inay cagta mariyeen shabakad ka tirsan Al Shabaab, oo fulin jirtay weerarada qorsheysan.

 

Waxa uu intaa ku daray in shabakadaasi ay ka dambeysay dilalka tiro Xildhibaano ah, isl-markaana ay gacanta ku soo dhigeen 8 ka mid ah, 11 xubnood oo ay ka kooban tahay shabakadaasi. 3-da nin ee kale ee aan gacanta lagu soo dhigin, ayuu sheegay inaanay joogin dhulka ay gacanta ku heyso Dowladda.

Sidoo kale wuxuu iftiimiyay in xubnahaasi ay ku hawlgeli jirayn ilaa afar gawaari ah, ayna suurta geliyeen inay gacanta ku soo dhigaan laba ka mid ah gawaaridaaasi, halka labada kalana sida uu sheegay ay weli ku raad jooggaan.

C/raxmaan Tuuryare, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka u shiday muuqaal video oo Project ah, kaasoo muujinaayay qaabka ay Shabaabku u dilaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanada, ayaa waxaa baqdin geliyay muuqaalkaasi, iyadoo la arkaayay Xildhibaanada oo isu jeed jeedsaaaya, mudadii uu daawashada u soconaayay.

Tuuryare, ayaa intaas ka dib waxa uu codsaday in Suxufiyiinta laga saaro Xarunta Golaha Shacabka, isagoo u cuskaday inay la socdaan xubno khuburo ah, isla-markaana uu doonaayo in Baarlamaanka ay tallooyin ka siiyaan arrimaha ammaanka.

Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo muuqaal ceynkani oo kala ah loo shido Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo la rumeysan yahay inay u nugul yihiin weerarada ay ku hayaan Shabaabku

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this