Sign in to follow this
Mooge

Damjadiid supporters are crying non-stop about Omar Abdirashiid.

Recommended Posts

Mooge

If you go to every HAG or Damjadiid website, everyone is sad and is angry at how "their HAG agenda" has been hijacked by unknown forces who are bringing Omar Abdirashid, and that this is a plot to destroy the new HAG empire. lool.

Mooge is enjoying every piece of it niyoow.

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay majaraha u hayaan kooxda Damujadiid iyo shaqsiyaad kale oo ugu xiran qaab qabiil, wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweyne si isdaba jooga ugu dhaca shirqoolo uusan ka waaqsan karin oo ay kula taliyaan madaxda Damujadiid iyo shaqsiyaad danahooda gaarka ah uga dhiga in dani ugu jirto.

Madaxweyne Xasan oo markaan heysta fursadii ugu danbeysay oo uu ku keensanayo ra’iisul wasaare aysan is khilaafin ilaa sanadka 2016-ka ayaa la sheegayaa inuu ra’’isul wasaare u magacaabi rabo Cumar Abdirashiid Cali Sharmaarke oo looga yeeray Maraykanka lana filayo inuu Muqdisho yimaado.

Cumar Cabdirashiid oo horey Dawladii KMG aheyd uga soo noqday ra’iisul wasaare haatana ah Safiirka Somalia ee dalka Maraykanka, waxey wada shaqeyn waayen madaxweyne Sheekh Shariif, xukuumaddii uu Raisul wasaaraha ka ahaana waxey noqotay fadhiid, wuxuuna xilka ra’iisul wasaaranimo iska casilay kadib markii la siiyey lacag afar boqol oo kun oo dollar ah oo uu sharuud uga dhigay inuu xilka uga dego.

Tartanka xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaa sidoo kale ku jira shaqsiyaad badan oo aan hore ugu soo fashilmin siyaasadda kagana wanaagsan xilka ra’iisul wasaaranimo, masuuliyiintaa oo ay ka mid yihiin Xuseen Cabdi Xalane, Cabdi Xamiid, Axmed Ciise Cawad, Dr Doodishe iyo xildhibaanad Fawsiya.

Cumar Cabdirashiid waa nin ceynkee ah? Yaa Keensaday? Sideyse ku danbeyn? Maxaase looga tagay siyaasiyiinta kale?

• Cumar Cabdirashiid waxaa keensaday madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo kus oo xushay inuu horey ula soo shaqeeyay, ogna inuu danihiisa gaarka ah ka heli karo, Cabduullahi Sanbaloolshe oo doonaya in laga dhigo wasiirka amniga, wadamadii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka diidey inuu ra’iisul wasaare Cabdi Weli la shaqeeyo kuwaas oo doonaya in madaxweyne Xasan Sheekh fashiliyaan maadaama uu horey uga talo diiday, xildhibaanadii kasoo horjeeday Madaxweyne Xasan Sheekh kuwaa oo doonaya in ra’iisul wasaare laga dhigo siyaasi marka kale madaxweynaha iska hor yimaadaan si uu meesha uga baxo.

• Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa wasiirkii maaliyadda xukuumadii dhacday, kana mid ahaa shaqsiyaadka uu doonayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa magacaabistiisa kasoo horjeestay wadamada reer galbeedka, wakiilada UNSOM iyo EU-da iyaga oo diidmadooda sabab uga dhigay musuqmaasuq ay ku eedeeyeen Xalane, balse dadka odorosa siyaasada Somalia waxay ku micneeyeen sababta Xalane loo diiday inay tahay in Xuseen Cabdi Xalane yahay siyaasi aan khilaafka jecleyn, Madaxweynahana ula shaqeyn kara si aad u dhow ilaa sanadka 2016-ka, isku xiri kara Maamulka KMG ah ee Juba iyo Madaxweynaha.

• Ra’iisul wasaare hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo uusan shaqsi xilka ka mudan, marka aan xukmineyno wixii aan ku barannay oo ah waxqabad iyo waddan jaceyl, waxaa magacaabistiisa ogoleyn eakiiladda UNSOM iyo EU-da oo aaminsan in Farmaajo uu yahay siyaasi wadani ah, isku kalsoon oo aan ka aqbali doonin in xafiisyada UNSOM iyo EU-da looga yeeriyo sida uu u shaqeynayo, waddamada IGAD oo Farmaajo ka aaminsan inuu yahay siyaasi wadani ah, Madaxweynaha ula shaqeyn kara si dhow, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo horey siyaasadda isugu qabteen ahaana siyaasigii ka shaqeeyay in Farmaajo uu xilka ra’iisul wasaaraha iska casilo, hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir oo aaminsan in Farmaajo uu magac ahaan meesha ka saari karo kooxda Damujadiid, maadama uu yahay siyaasi kasbaday kalsoonida shacabka.

• Fawsiya Yuusuf, Dr Bashir Nuur Bidaar, Dr Doodishe ayaa magacaabidooda waxaa hor istaagay xoogaga gudaha iyo dibadda oo diidan in madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damujadiid helaan ra’iisul wasaare si dhow ula shaqeeya ilaa sanadka 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee hadii Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ah siyaasi hore ugu soo fashilmay xilka ra’iisul wasaarenimo, ahaana ra’iisul wasaare-hii ka shaqeeyay in Badda Soomaaliya muran la geliyo laguna wareejiyo dalka Kenya, wuxuu mar sadexaad Madaxweyne Xasan wajihi doonaa Khilaaf dhex mara isaga iyo Cumar, iyada oo markaan aan laga yeeli doonin madaxweynaha inuu ceyriyo ra’iisul wasaaraha 3-aad, waxaana madexweyne Xasan Sheekh lagu qasbi doonaa inuu is casilo, taas oo noqon doonta halkii uu ku danbeeyay Khilaafkii AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaare Nuur Cadde. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damujadiid ayaa la saadaalinayaa in siyaasadda Soomaaliya ka bixi doonaan inta aan la gaarin sanadka 2016!

Magacaabista Cumar Cabdirashiid wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku waayi doonaa taageerada Maamulka KMG Juba ee uu Axmed Madoobe hogaamiyo, maamulkaa oo xiligii Khilaafka Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si toos ah ugu hiiliyay Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxda Damujadiid waxeysan ebid heli doonin taageerada Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas maadaama siyaasadda Puntland ku dhisan tahay in Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo siyaasi kasoo jeeda Puntland ama Soomaaliya noqon dal shaqeynaya oo mideysan.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, siyaasiga aadka u yaqaan rogrogidda siyaasadda oo doonaya sanadka 2016-ka inuu Madaxweyne ka noqdo Somalia ayaan taageeri doonin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damujadiid-ba, sidaa daraadeed Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey ugu soo fashilmay xil ka qaadistii ra’iisul wasaare Saacid iyo magacaabistii ra’iisul wasaare Cabdiweli, isaga oo aan ka fiirsan xil ka qaadista raisul wasaarayaashaana uga baxday Malaayiin Doolar, ayaa marka ay isaga la tagi doontaa.

Magacaabista Cumar Cabdirashiid waxay madaxweyne Xasan Sheekh ka dhigi doontaa kuna xaqiijin doontaa in Xasan Sheekh uusan astaahilin in loo hiiliyo, waxaana halkaa xilalkooda ku weyn doona wasiiro badan oo madaxweynaha uga hiiliyey ra’iisul wasaare Cabdiweli, Wasiiradaas oo ay kamid yihiin sii hayayaasha Wasiirada Maaliyadda iyo Arimaha Gudaha Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdullahi Goodax Barre oo uu xilkiisa qaadan doono Cabdullahi Sanbaloolshe oo saaxiib dhow la ah Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha-ba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
Mooge

Si kastaba ha ahaatee hadii Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ah siyaasi hore ugu soo fashilmay xilka ra’iisul wasaarenimo, ahaana ra’iisul wasaare-hii ka shaqeeyay in Badda Soomaaliya muran la geliyo laguna wareejiyo dalka Kenya, wuxuu mar sadexaad Madaxweyne Xasan wajihi doonaa Khilaaf dhex mara isaga iyo Cumar, iyada oo markaan aan laga yeeli doonin madaxweynaha inuu ceyriyo ra’iisul wasaaraha 3-aad, waxaana madexweyne Xasan Sheekh lagu qasbi doonaa inuu is casilo, taas oo noqon doonta halkii uu ku danbeeyay Khilaafkii AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaare Nuur Cadde. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda Damujadiid ayaa la saadaalinayaa in siyaasadda Soomaaliya ka bixi doonaan inta aan la gaarin sanadka 2016!

Haha. Niyoow this is gold. Where is Malistar.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Mooge

Why are you so obsessed with HAG lol

The Government authority has reach Puntland borders not a bad move to Name the pirates less headaches

P.s

The fat guy was sack transition era I believe he learned lessons not to make the same mistakes

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this