Sign in to follow this  
malistar2012

SFG and Jubba state agreement one army south Somalia will have one command

Recommended Posts

Heshiis is afgarad ah oo dhexmaray Dowladda F. S. iyo Maamulka KMG ee Jubba

Published on November 15, 2014 by Mowliid · No Comments · 1,024 views

546.jpg November 15, 2014

 

Waxaa booqasho qaadatay maalin ku yimid magaalada Kismaayo wafdi ka socday dowladda Federaalka ee Soomaliya kana koobnaa sidan:-

 

Mudane C/llahi Goodax Barre-wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federaalka

Mudane Mohamed Sheikh – Wasiirka Gaashaandhigga

Mudane Hussein Abdi Xalane-Wasiirka Maaliyadda

Generaal Abdullahi Ceynte-Madaxa Hogganka Taakuleyna ee Xoogga Dalka

 

 

Waxaa dhanka maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba uga qeybgalay shirka koox wasiirro ah oo loo qorsheeyey in ay iyaguna ay mataal maamulka Jubba Kuwaas oo kala ah:-

 

Mudane Mohamed Warsame Farah, (Darwiish) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga

Mudane Maxamed nuur Iftin – Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah

Mudane Mohamed Macallin – Wasiirka Xannaanada Xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga

Mudane C/qani Cabdi Jaamac – Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Jubba

Mudane Cabdi Cali Raage – La Taliyaha Madaxweynaha Maamulka Jubba

Mudane C/naasir Seeraar Maax – Afhayeenka Maamulka Jubba

Mabaadida Guud ee laga wada hadlay

 

Wadahal dhexmaray labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:

 

Waxaa la isla meel dhigay in laga sameeyo gobollada hoos yimaada maamulka Jubba Ciidan qaran, oo isu dheellitiran iskuna dhafan lagana soo qoro jubbooyinka oo ay hadda isugu soo urureen nabad diidka Al Shabaab.

In maamulka Jubba helo taageero deg deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada.

In Guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg deg ah uga howlgalaan maamulka Jubba si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca Ciidamada qaranka iyo diiwaangelintooda.

Waxaa lagu heshiiyey in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya maamulka Jubba la qoondeeyo iyo in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43aad iyo 60aad dib loo howlgeliyo si ciidamada loogu tababaro.

In dib loogu yeero wixii ka haray ciidankii qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo

In Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya maamulka Jubba si deg deg ah loola soo gaaro agabka ciidan maamlmaha soo scoda si howlgalkoodu u sii socdo.

In wixii ku saabsan arrimaha Booliiska iyagana laga taageero Ciidamada boliiska ee Jubbaland

In xafiiska arrimaha socdaalka si deg deg ah looga yagleelo magalada Kismaayo

In hey’adihii taageerayey Booliiska maamulka Jubba loo fasaxo dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga xiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this