Sign in to follow this  
malistar2012

SOMALIA: Somalia celebrates flag day

Recommended Posts

somali-flag.jpg

 

 

 

RBC Radio: Somalia celebrates the day its flag was internationally recognized over 50 years back.

 

The country is marking the 60th anniversary of the Somali flag which was world widely recognized 1960, six years after the country got its independence from western colonials.

 

hu and the capital of Puntland Garowe includes the many regions the Somali flag day celebrations are underway today.

 

Meanwhile Somali leaders call the people of Somalia to work on Somali unity and leave their tinny difference.

 

Somalia, a country that is creeping to install a peaceful federal system after former central government was ousted in early 90s shares a blue flag which has a white star in the middle

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

Somali-National-Army2.jpg

somalia-mogadishu-police.jpg

 

 

Qolobaa calankeedu,

waa ceynoo,

Innaga keenu waa,

Cirkoo kale e,

Oon caadna lahayn,

Ee caashaqaye.

Xidigyahay cadi,

Waad noo ciidamisee,

Carradaa kaligaa

adow curadee

cadceeda sideedaa

u caan noqo ee

sidii culagii

ciidad marisee

Alloow haku celin

Alloow haku celin

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

DSC_6336.jpg

 

 

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo Puntland kala qeyb-galay xuska maalinta Calanka.(DAAWO VIDEO)

Published on October 12, 2014 by Fuaad Muxudiin · No Comments · 305 views

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxda dowlad gobolleedka Puntland ayaa si wadajir ah uga qeyb-galay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland munaasibad lagu maamuusay xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka October maanta oo kale.

 

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, masuuliyiinta golaha Xukuumadda iyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, labada golle ee dowlad gobolleed Puntland, hoggaamiyeyaasha Dhaqanka, iyo shacabka reer Garoowe ayaa ka wada qeyb-galay munaasibadda 12 October oo ah maalinta Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Garoowe lagu qabtay.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, oo munaasibadda Calanka Soomaaliya lagu xusayey khubad dheer ka jeediyey ayaa hadalkiisa ku bilaabay heesta (Calanka )“maanta waa maalin ku weyn guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibadda maalinta Calanka oo ah mid waajib nagu wada ah dhammaanteed inaan xasuusanno, si aan u muujino jirataanka iyo madax banaanida dalkeenna”.

 

“taariikh halgan dheer soo qaadatay ayuu soo maray Calanka Soomaaliyeed, waxaan u jeedinayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii aan u illaalin lahayd karaamada iyo Xurmada uu Calankeenu nagu leeyahay, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweil Sheekh Axmed ayaa yiri “ dowladda Soomaaliyeed waxa ay dooneysaa midnimada dadkeeda, dowlad gobolleedka Puntland iyo shacabkeedu aad baan ugu ammaanay doorka ay ka qaadanayaan Midnimada dalka”.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa isagana khubad ka jeediyey xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed oo yiri “Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland waxaan ugu hambalyeynayaa maalintaan nagu wada weyn, waxaan diyaar u nahay inaan gacmaha is qabsanno oo aan Midnimada ilaalino”.

 

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa iyagana ka hadlay munaasibadda hambalyana u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

Maalinta Calanka oo maanta si weyn looga xusay dalka. (DAAWO VIDEO)

Published on October 12, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 670 views

Calanka dalka

Calanka dalka

Munaasabado lagu weyneynayo maalinta calanka ayaa maanta lagu qabtay qaar badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaana si weyn looga hadlay taarkiihdii uu lahaa maalinta calanka, maadaama ay maanta ku beegantahay sanad guuradii 60-aad ee ka soo wareegatay markii la aqoonsaday calanka.

 

Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Dhuusamarreeb, Beladweyne, Garoowe iyo meelo kale ayaa maanta si isku mid ah looga xusay Maalinta Calanka oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhiso Ummadda Soomaaliyeed.

 

Calanka Soomaaliya ayaa astaan u ah halgankii halgameyaashii hore ee Soomaaliya ay la galeen gumeystayaasha.

 

1954-tii ayey aheyd markii ugu horreeysay ee la sameeyey Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waa Calanka Buluugga ah ee u eg samada, xiddigta Shanta geesood ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Calanka waxaa alifay Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this