Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Ambassador visits Mombasa Prison Donates Cloth ahead of Ciidul-Adxa Festi

Recommended Posts

Somali Ambassador visits Mombasa Prison Donates Cloth ahead of Ciidul-Adxa Festival

 

 

20141036354793409633327823.jpg

 

 

— Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta ku booqday 122 qof oo maxaabiis Soomaaliyeed ah xabsi ku yaalla magaalo-xeebeedda Mombasa ee Kenya; kaasoo lagu magacaabo Shimo La Tewa.

Maxaabiistan oo dambiyo kala duwan loo haysto ayaa 107 ka mid ah waxay ku eedeysan yihiin burcad-badeenimo, kuwaasoo intooda badan xukunno ay ku dhaceen.

 

20141036354793413650853791.jpg

Ameeriko ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalkiisa uu ahaa mid uu ugu kuur-galayay xaaladda caafimaad ee maxabiista Soomaaliyeed, iyadoo hal meel kuwada tukaday maxaabiista, isla markaana uu kala hadlay maamulka xabsiga sidii ay u heli lahaayeen maxaabiista adeeg caafimaad iyo cadaalad.

20141036354793415164434592.jpg

 

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu tilmaamay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu u socdo wadahadal ku aaddan sidii maxaabiista Soomaaliyeed ee Kenya ku xiran ee loo heysto eedaha la xiriira burcad-badeedeenimada xukunkuna ku dhacay loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

 

20141036354793420866470915.jpg

Ugu dambeyn, danjiraha ayaa Soomaalida ku xiran xabsiga Shimo La Tewa u qaybiyay dhar ay ku ciidaan, maalinta barri ah oo guud ahaan caalamka muslimka looga dabaal-dagayo Ciidul-Adxa.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Oct/wararka_maanta3-48575.htm#sthash.oeKTsTj3.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this