Sign in to follow this  
malistar2012

Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u furay shirweynaha dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka

 

madaxweyne-xasan-kismaayo1.jpg?w=300&h=2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in dowladdu ay soo dhaweyneyso xalinta cidkasta oo qabta cabasho ku aadan ka qeyb qaadashada maamulka KMG ah ee Jubba.

 

Shirka oo ay ka qeyb galeen ergo ka kala socoto bulshada ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya jooga iyo xubno kale.

 

Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa sheegay in shirka ay ku soo dhaweynayaan cidkasta oo dooneyso inay qeyb ka noqoto arrimaha dib-u-heshiisiinta.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada ku dhaqan gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubada Dhexe.

 

Wakiilka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan shirka loo qabanayo bulshada degta Gobolada Jubbooyinka, waxaana uu intaa ku daray in ay taageerayaan go’aanada ka soo baxa shirka.

 

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay shirka dib-u-heshiisiinta, isla markaana si rasmi ah u furay shirka ayaa ku booriyay hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba uu dhageysto dadka daneynaya inay talooyin ku biiriyaan shirka dib-u-heshiisiinta iyo hanaanka ku aadan Maamul u sameynta bulshada ka soo jeeda saddexda gobol ee kala ah Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose.

 

“Soomaaliya guud haan dhibaatooyin ayay kala tirsanayaan laakiin waxaa wax lagu xalin karaa, waa Walaaloow aan wada hadalno, oo la is dhageysto, isla markaana la uruuriyo talooyinka wax galka ah ee qeyb ka qaadan kara dhismaha maamul loo dhanyahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul wax ku ool ah laga soo saari doono shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, waxaana uu ku booriyay ka qeyb galayaasha shirka inay dar dargeliyaan waxkasta oo isu soo dhaweyn kara bulshada gobolladasi ku dhaqan, ayna ka fogaadaan wax keeni kara is qab qabsi.

 

“Waxaan rabaa in aan soo jeediyo labo talo oo ah in tan koowaad shirkan dib-u-heshiisiinta lagu xaliyo waxkasta oo khilaaf ah ee jira, si tan xigta loogu gudbo wajiga labaad ee ah sameynta iyo dhameystirka Maamulka” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Madaxweynaha dalka.

 

Madaxweynaha ayaa Wakiilada beesha caalamka ee shirka goob jooga ka ah ugu mahadceliyay fududeynta shirka, gaar ahaan Urur Goboleedka IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this