Sign in to follow this  
malistar2012

Som Air :Somali owned airline starts direct flights Airline industry booming

Recommended Posts

Som Air :Somali owned airline starts direct flights Airline industry booming

 

Som-air-2.jpg

 

Som-air-3.jpg

 

36.jpg

 

 

Shirkadda duulimaadka ee SOM AIR oo bilowday duulimaadkii ugu horeeyay “SAWIRRO”

Published on September 4, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 3,832 views

Waxaa sii kordhaya maalgeshiga dhanka duulimaadyada oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ay ka sameynayaan dalka, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho., iyadoo Shirkada duulimaadka SOM AIR oo dhawaan ka howl bilowday gudaha dalka kana mid ah shirkadaha diyaradeed ee ka howlgala qaarka mid ah Wadamada caalamka ay maanta bilowaday duulimaadkeedii ugu horeeyay oo ay ku tageyso magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

 

Axmed Shukri oo ah maamulaha Guud ee shirkada diyaradaha ee SOM AIR oo saxaafadda kula hadlay gudaha diyaarada ayaa sheegay in maanta ay sameynayaan duulimaadkii ugu horeeyay ee ay ku tegayaan dalka Uganda gaar ahaan magaalada Kampala.

 

“Muddo dheer waxaan ka hadlaynay in 4-ta bisha aan bilaabeyno duulimaadkii ugu horeeyay, maantana way dhacda taas, waa Alle mahaddiis, marka waxaan shacabka u rajeynayaa in aan u qaban doono adeegyo ay ku qancaan oo xagga duulimaadka ah, waana soo dhaweyneynaa taageerada shacabka iyo baahiyaha ay u qabaan in ay helaan adeegyo kan la mid ah” ayuu yiri Axmed Shukri.

 

Maxamed Cabdul-xaliim oo ka mid ah Maamulka shirkadda SOM AIR oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay noqdaan macamiisha shirkadda, maadaama ay u taaganyihiin qancinta macaamiisha daneyneysa inay isaga kala gooshaan dunida.

 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xasan Maxamed Jimcaale oo ka mid ah rikaabka diyaaradda oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan shirakadaha cusub ee ku soo biiriya dalka, isagoo dhinaca kale umahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay in shirkadan ay ka howlgasho gudaha dalka.

 

“Waa talaabo horumar leh oo ganacsato Soomaaliyeed ay dalka ku keeneen Shirkadaan diyaaradeed ee SOM AIR, waana mid aan sugeynay, aad baan u soo dhaweyneynaa horumarka iyo maalgeshiga ay sameynayaan ganacsatada Soomaaliyeed, runtii waa talaabo ku dayasho mudan, anaguna farxad bay ii tahay in aan ka mid noqdo dadkii ugu horeeyay ee ku safra” ayuu yiri Mudane Xasan Maxamed Jimcaale

 

Shirkadda diyaraadaha ee SOM AIR ayaa dhawaan ka mid noqotay diyaradaha ka howlgala gudaha dalka, iyadoo maanta bilowday dulimaadkeedii ugu horeeyay oo ay ku tageyso dalka Uganda, halkaasi oo ay rakaab kale ka soo qaadi doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this