Sign in to follow this  
malistar2012

India Ambassador to Somalia arrives in Mogadishu

Recommended Posts

in2.jpg

 

 

 

 

India oo Safiir Cusub usoo Magacwadya Soomaaliya iyo Safiirka Cusub oo Muqdisho yimid(Daawo Sawirada)

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda India u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Yogeshwar Varma.

 

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay warqadaha aqoonsiga , isagoo ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya si gaar ah ganacsiga, wax soo saarka beeraha ,farsamada dharka ,kaluumeysiga , la dagaalanka burcad badeeda iyo argagaxisada.

 

Wasiirku waxa uu muujiyay kaalinta dowladda India ay ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday kordhinta deeqaha waxbarasho tooska ah ee dowladda ay ugu deeqaan si sanadle ah,tababaridda diblomaasiyiinta, tababaridda iyo qalabeynta ciidamada badda iyo maalgelinta mashruuc la xiriira kaluumeysiga, si kaluunka Soomaaliya loogu iib geeyo Suuqyada caalamka.

 

Danjire Yogeshwar Varma ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda India Mrs. Sushma Swaraj , isagoo xusay muhiimadda balaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

 

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this