Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland defense forces enter taleex Khatumu Militia flee

Recommended Posts

War-Deg-dag Ah:Ciidamada Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Taleex

 

Hargeysa(ramaas)June.12.2014-Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ayaa goor dhawayd si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Taleex oo uu Shir uga socday kooxo nabad diid ah oo taageera Maleeshiyada Khaatumo.

Warar hor dhac ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada Taleex ayaa sheegaya in aan ciidamada Somaliland wax iska caabin ah aanay kala kulmin Maleeshiyadka nabad diidka ah ee halkaasi ku sugnaa,waxaana ay wararku tibaaxayaan in markii ay ciidamada Somaliland ay ku soo jihaysnaayeen Magaalada Taleex ay ka huleeleen Magaaladaasi Kooxaha Nabad diidka ah e halkaasi ku sugan.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda Magaalada Taleex ee halkaasi ku sugnaa ay Ciidanka Somaliland ka cod sadeen in aanay gudaha u soo galin Magaalada oo ay ciidamadu ay dagaan hareeraha Magaalada Taleex.

Dhinaca kale ilaa hada Ma jiraan wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay.

Waxii warar ah ee arintan ku saabsan kala soco Mareegta Ramaasnews

ramaasnews

Hargeysa Desk

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/War-Deg-dag-AhCiidamada-Qaranka-Somaliland-Oo-La-Wareegay-Gacan-Ku-Haynta-Magaalada-Taleex.html#sthash.4cPQtd94.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland oo si buuxda ula wareegtay Taleex

 

Taleex (KON) - Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa Goor-dhow si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Taleex, oo ahayd xarunta KMG ah ee Maamulka Khaatumo State.

 

Teaser Image Somaliland oo si buuxda ula wareegtay Taleex

 

 

Wariye Maxa’ed Shaqlane, oo Taleex jooga ayaa KON u xaqiijiyay la wareegista Magaalada, isagoo intaasi ku daray in Ciidamada Somaliland ay si nabad ah ku galeen Magaalada, kadib markii kuwii Khaatumo isaga baxeen.

 

Magaalada Taleex, ayaa Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka socday Shir ay lahaayeen Odayaasha Deegaanka & Qurbajoog kuwaasi oo rabay inay doortaan Madaxweyne Cusub, kadib markii Madaxweyniyaal dhowr ah oo Khaatumo lahayd ay ukala goosteen dhanka Puntland & Somaliland.

 

Wali Somaliland & Khaatumo midkoodna kama uusan hadlin la wareegista Magaalada Taleex, balse Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Odayaashii shirayay & qaar ka tirsan Dadka Deegaanka ay u carareen dhanka Deegaanka Boocame.

 

Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeeda in Maamul loo dhiso Gobolada Sool, Sanaag & Cayn (SSC) oo ay sheeganayaan Puntland, Khaatumo & Somaliland.

 

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wonderful news Xaaji:

 

The permanent securing of the border is almost neigh... Long live the Afro-Cushitic Republic of Somaliland!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this