Sign in to follow this  
malistar2012

M/weyne oo soo xiray tababar saddex todobaad socday Gudoomiyayaash

Recommended Posts

M/weyne oo soo xiray tababar saddex todobaad socday Gudoomiyayaash Degmooyinka Taliyayaasha Boliiska iyo ku xigeenadooda , Taliyayaasha Nabad-sugida iyo Ku Xigeenadooda, Xoghayayaasha degmooyinka iyo Garsoorayaal 13 qofood ah.

 

Tababarkaan oo loo qabtay masuulliyiin loo magaacabay degmooyinka laga xoreeyey Al Shabaab iyo kuwa iminka howl-galladu ku wajahan yihiin, ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ka warbixiyey tababarka ayaa yiri”. Tababrakan Seddexda maalmood socday aya ka koobnaa Afar qeybood oo muhiim ah sida Gudoomiyayaash Degmooyinka,Taliyayaasha Boliiska iyo ku xigeenadooda , Taliyayaasha Nabad-sugida iyo Ku Xigeenadooda, Xoghayayaasha degmooyinka iyo Garsoorayaal 13 qofood ah.Tababarakan waxaa lagu bartay waxayaalo aad muhiim u ah oo ay ka mid ahaayeen sida degmo loo maamulo iyo Dowladda Wanaaga”.

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gabagabadii ka hadlay munaasabada tababarka lagu soo xiray ayaa salaan ka dib hadalkiisa ku bilaabay tacsi mar kale uu u diray eheladii geesiyaashii ku dhintay weerarkii Xarunta Baarlmaanka ee ay ku difaacayeen hey’adaheena Dowladda tii ugu muhiimsaneyd oo matalayasa Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Waxaan rabaa in halkaan si gaar ah uga xuso mar kale Captain Daahir dhiiranaantii iyo geesinimadii uu muujiyey iyo sida uu daacad ugu ahaa Diinta, Dalka iyo Dadka iyo Umadda sharafteeda iyo heybadeeda. Umadda Somaaliyeed waay xusuusan doontaa magaca Captain Daahir dhalaanka Soomaaliyeed ee dugsiyada dhigta waa la bari doonaa. Waxaan lee yahay Captain Daahir waxa uu noqday Xalanahii Maanta, Waan garaneynaa Xalane wuxuu ahaa ee uu u dhintay 50 sanno ka hor”.

 

 

Madaxweynaha oo la hadlayey masuuliyiinta tababarku u soo gabagaboobay maanta ayaa yiri. “Waxaa muhiim in 25 Sanno ka dib dowladnimada Soomaaliyeed ay ka baxdo Caasimada Soomaaliya oo ay gaarto magaalo Madaxda Gobolladda haddana ka sii baxdo ee ay gaarto degmooyin badan ee masuuliyadeeda KMG-ka ah ee aad bilaabeeysaan qaarna horay ay u bilaabeen. Meelaha qaarkood Dowladi ma aysan ka jirin laakin maamulo dadku ay sameysteen ayaa ka jiray kuna meel mareen. Maanta waxaad mataleysaan Dowladnimada Soomaaliya oo dalka u diyaarineeysa nidamka Federaalka ah oo aad unukii koowaad u tihiin, tababarku waxa loo sameeyey sidaas ayey ahayd.” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

 

Kooxaha Nabad diidka ah xumaan ayey ka shaqeyeen horayna dhib ayey dadku ugu hayeen. Magaalooyinkii markii laga eryey, ceelashii ayey ka duugeen shacabka, xarumahii caafimaad ee meelaha qaar ka jiray ayey baabi’iyeen, dugisyadii ayey qalabka ka qaateen dadkii ayey degaanadii ka saareen oo ay ku qasbeen in duurka oomanaha galaan. Ka dibna wadooyinkii inay istaagaan, dadka magaaladana u diidaan in raashin u yimaado ama soo adeegtaan si loo yiraahdo Shabaabkii ayaa noo roonaa. Arrinkaas waa been dadku inay muujiyaan inay been tahay arrinkaas waa idinka, waxaa leyska rabaa oo waajibkiinu yahay in dadku aynu u darsan Shabaab. Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey. “ Meesha aad maamuleysaan waa meeshaasi Nabad Diidku dhibaatada ku reebay. Waxaa la rabaa inaad dadkeedu abaabushaan oo kalsooni iyo dhiiranaan gelisaan, Shabaabkuna Afar wiil oo qaldantay oo yac leeyska dhihi karo tustaan. Caqabado ayaa jira oo maamul degmo wixii ay ahayd inay heystaan oo dhan ma heysataan waan ognahay. Idinku waxaad tihiin kuwii u horumaray culeyska iyo dhibaatada”.

 

 

 

Sidoo kale Madaxweynaha oo la dardaarmayey masuuliyiinta tababarka qaatay ayaa u sheegay in looga baahan yahay dib u heshiisiin iyo inay dadku ka saaraan shakiga dhaxdooda lagu beeray. “Degaanka laguu diray iyo dadka aad masuulka ka tihiin waxaa la idinka doonayaa inaad dib u heshiisiin dhaxdhigtaan oo aad ka saartaan shakiga Kooxaha Nabad diidku geliyeen iyo suurto gelinta adeegyada bulshada.Waxa la idinku qiimeyn doono waa kuwaa. Waxaad ka mid tihiin barnaamij ballaaran oo dalka oo dhan ka jira oo la yiraahdo Barnaamjika Xasilinta Dalka, waxaa lagu soo celinayaa Adeegyadii Bulshada, Nidaamkii iyo Hey’adahii Dowlada oo shaqo gala iyo arrimo kale”.

 

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Xukuumada, Baarlmaanka iyo Garsoorka ay leeyihiin barnaamijyo cad-cad oo dib u qaabeyn dalku loogu sameynayo ee uu qeyb ka yahay tababarka maanta la soo gabagabeeyey ee ay ka soo shaqeysay xukuumada gaar ahaan Wasaarada Arrimha Gudaha iyo Federaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this