Sign in to follow this  
odayga inanta

."Habar Dugaag Oo Igu Casuumay Aroos"..Q/2

Recommended Posts

habar dugaag

 

Daanyeer ayaa isagu waxa uu ahaa askariga meesha ama ninka dadka kiciya so loo heeso, Halgari iyo Bisad-sabaab ayaa iguna loo doortay boqor iyo boqorad "kuwa dadka xukuma ama sheega inta hees ee uu qaadayo qofka lasoo kiciyay".

Arooskiina uu bilaabmay sidaa iyo daawasho wacan.

 

Libaaxii ayaa markiiba ay ushu ku dhacday oo loogu hor kiciyay waxaana lagu xukumay hal heesa, heestiisiina waatan.

 

Wuxu yidhi Libaax:-

Boqor daacadaan ahay

Xoogii dalkaan ahay

Dugsi aan la marin iyo

waxan ahay waran wax dila

Dadkoo urusan baan dalaq idhaahdaa

Geesi aan baqayninoo dib u laaban baan ahay

 

Halkaa ayuuna ku dhameeyay heestii si fiicana waa loogu sacab tumay.

 

Dawoco ayaa iyadna lasoo kiciyay iyada oo laga filayo inay abtigeed Libaax amaanto ayay tidhi;-

 

Abtigay markuu sii jeedo socodkiisa jawhartaa

markuu soo jeedu wajigiisan jamilagaa

jannaba uma baahan gabadhii ag joogsataa

 

Markaa ayuu libaaxi intuu qoslay uu sacab oogta ka qaaday.

 

Waraabe oo la wada yaqaan inuu cunto jecel yahay ayaa lasoo kiciyay, markaa ayuu bilaabay hees ku saabsan cunto, waxana uu yidhi;-

Anagu waan baranee

Idinku maad barataan

Bariiska waan ku cunaaye

Idinku maad ku cuntaan

Cuntadu qaab daranaa

Ma Dawacaa karisay

 

Dawaco ayaa waxay tidhi " Alla hoogay inanka ma cunto ayaa laga raacay waa sidee". Markaa ayuu iska aamusay. Xaflada ka dib ayaa la waydiiyay heestii uu qaaday iyo canjalada ay ku jirto, markaa ayuu u sheegay in uu haysto canjalado awowgii uga tagay. Aniga laftayda waxay ahayd heestii kaliya ee aan garan waayay heesihii arooska laga qaaday. Waraabe isagoo sidiisii u yar dhutiyaya ayuu booskiisii ku laabtay.

 

Sagaaro ayaa lasoo kiciyay iyadna. Markaa ayay hees bilawday iyada oo waraabe ku dhaga hadlaysa, waxayna tidhi'-

Ragii turuqyada adkaa

tunkooduna uu sinaa

tabtooda la daawan jiray

talaabo xumaa badalay

 

Markaa ayuu Waraabe xanaaqay oo uu yar guuxay, laakiin libaax ayaa u sheegay in caawa wax walba furanyahay.

 

Deero ayaa lasoo kiciayay, hadday meesha soo joogsatay ayaa isna Biciid iska soo kacay oo uu soo dhinac joogsaday. Maroodi oo aan wada fadhinay ayaa ii sheegay in Biciidku uu in badan daba socday Deerada oo geedka ay daaqdaba uu daaqi jiray, dabadeed maalin ayaa intuu Deero u tagay uu ku yidhi "walaal mudo badan ayaan sheeda kaa milicsan jiray, runtii wakhti badana waan lumiyay sidaan kaaga maagmaagayay .Waan ku jecelahay waxanan rabaa inaan reer samayno oo aan nolol wada abuurno", laakiin Deero waxay ku tidhi sxb anigu arinkaas diyaar uma ihi ee cid kula wadaagta nolosha raadso dhulka waa la buuxaaye. Mudo badan ayuu daba socday Deerada laakiin waa u tag waayay, Sidaa darted ayay iskugu yara kacsanaayeen.

 

Markaa Deero oo yaaban sida uu usoo booday Biciid ayaa heestay, waxayna tidhi;-

 

Adigoon iba tohoyan wali

Waadigan isu kay tugee

Ayaad horta ii taqaan

 

Biciidkii intuu cadho iskala garan waayay ayuu isna ku heesay;

 

Hadaad kama helin tidhaahdo

Jacaylkana iga halayso

Anigu hadal badan ma doonee

Jacaylka dhibaatadiisa

Wixii hawl iga gaadhay

Halkaasaad dhigi magtiisa

 

Markaa ayaa uu Daanyeer ku yidhi;

 

Qasab maaha jacaylku

Ee waa labadii iskla qaada

 

Biciid oo kacsan ayaa iska fadhiistay.

 

Doofaar ayaa lasoo kiciyay, laakiin isagu waa ka cudur daartay oo waxa uu sheegay in aanu haba yaraatee wax heesa aqoon, waligiina aanu heesin. Markaa siduu Maroodi ii sheegay, Doofaar sheekada waa qarinayaayo waxa jirtay in uu isaga iyo Ayga lagu yidhi idinku xaawalayda la shaqeeya oo waxyaabaha calculus ka caawiya sida biyaha iyo wixii la mid ah " hawsha arooska". Hadaba isagu waa iska afgaaban yahee dawoco iyo kooxdii la shaqaynaysay ayaa iyagoo xaqiraya ku dheeldheelay, markaa iyaguna meesha way joogeen oo sidaa ayuu u xishooday, laakiin may ahayn sheekadu inuusan hees garanayn. Balse anigu waxaan is idhi maadaama uu biro ilka ku xidhnaa oo todobaad ka hor ilko siyaada ah laga saaray ilkihiisa dhaadheer ayuu la xishooday.

 

Gorayo ayaa lasoo kiciyay, kolkaasay iyada oo Doofaar ku wadda hadalka ku heestay;

 

Haddii aad miskiin tahay

Ood ka boqayso meeshani

Maahmaah horaa tidhi

Ama waa la muuqdaa

Ama madasha la matago

 

Doofaarkii uu iska qoslay, markaa ayuu Maroodi yidhi " kan doqoniiada ayaan ku nacay, Doofaarna ficil la'aan ayaa loo cadaabi".

 

2 shimbirood oo iyaguna arooska joogay ayaa buuq ka dhaxeeyay, waxay isku haysteen beedkii ay dhaleen ayaa ay kawada yimaadeen, marka adiga ayaa ulahaa inaad ku fadhiisato iyo mayee adiga weeyi ayaa laysku haystay. Daanyeer ayaa yidhi waar idinku naga daaya qaylada ama kaalaya heesa, markaa mid ayaa soo booday oo heestii bilaabay, wuxuuna yidhi;-

 

Waad I waashoo

waan wareeroo

Adna adigaan ku wanaajee

Waa su'aalee labadeena

reerka yaa u waynoo u awood wayn

 

Markaa ayay iyadna u jawaabtay, waxayna tidhi;-

 

Wareeg mooyiye

Adoon waligaa

Wanaagba lahayn

Waa jawaabe labadeena

Reerka anaa u waynoo

U ah waayeel.

 

Dacawo sheeg "shimbir" ayaa idna halkaa ka heestay iyadoo caan ku ah gaadhka iyo arimaha

 

amniga, waxay iyadna ku heestay;-

Geedkaad gashaba way goynayaan

Gurigaad gashaba way kugu gubaan

Gubanimo doonka somaliyeed ee galbeed.

 

Balanbaalis ayaa iyaduna heestay, markaa ayay tidhi;-

 

Yar iyo waynba waysaysta

Waanadana qaata

Waaxidkeen ka yaaboo

Nafta wehel u yeela

 

Jiir"dooli" ayaa Balanbaaliskii ku yidhi meeshu waa aroos ee xadiiska jimcayaasha la sug, baashaal iyo dancing ayaa loo yimid inaadeer.

 

Koox Bisada ah oo aan iyagu heesna qaadayn ayaa meel isku urursaday, markaa shacab waynihii habar dugaag ee meesha yimid ayay faalaynayeen, inta ay dadka soo eegaan ayaa ay ku qoslayeen. Shabeel ayaa arinkaas in badan la socday kadibna waa uu u adkaysan waayay, markaa ayuu intuu kusoo dhacay heestii yidhi;-

 

Bari hore waxa jiray

Hablo jeedal lala dhaco

Oo soo jeesta lagu karin

Imikana waxa jira

Kuwa jeedal lala dhaco

Oo naga jeesta lagu Karin.

Naa biisay dhaqankii

Sharcigii ka baydhoo

Diinkii burburisii

Hablaw maad is badh qabataan.

 

Markaa ayay bisadihii ku qaylyeen oo ay ku yidhaahdeen "Ninka wayn ninka wayn, oradoo ugaadhsi tag sxb".

 

Gabagabadii arooska ayaa waxa yimid Dabagaale oo lawada sugayay, isaga oo muraayad cad wata iyo suudh ayuu meesha soo istaagay, sacab iyo qaylo ayaa lagala hor yimid. Dabagaale markaa isaga oo ingiriis ku hadlaya ayaa wuxuu yidhi" I am sorry for being too late, final exam ayaan lahaa markaa iga raali ahaada". Abeeso oo iyadu baryahanba is waydiinaysay toloow starkii caawa miyuu kasoo gaadhi arooska ayaa meeshii kusoo dhacay markay aragtay Dabagaale, kadib Dabagaalena waa kula biiray.

 

Dabagaale ayaa heestii bilaabay iyaga oo gacmaha is haysta wuxuuna yidhi;-

Allaylehe ilwaaday

imaanka deeqdoo

indhahaad u roontahay

ku amaani maaye

qurux waxad u eegtahay

ilig geed ka baxay iyo

jiridoo adayg badan

 

Abeeso iyadna waxay tidhi;-

 

Allaylehe aqoonyahan

aqal loogu hoydoo

ubad loo dhalaa tahay

ku amaani maayee

qurux waxad u eegtahay

sida dhagaxda buurta

iyo ciida beeraha

 

Markaa ayaan anigu iskala garan waayay oo isla kacay,kadibna intaan sacabiyay ayaan foodhina ku dhuftay.Laakiin waxaan aad uga yara xumaa sxbkay Maroodi oo aan aad isku dhex galnay ayaa lagu yidhi adigu heesta kuma fiicnide waa lagaa cafiyay,inkastoo isagu uu jeclaa inuu heeso.

 

Daanyeer ayuunbaa i arkay markaan qiirooday,kadib ayuu aniga usha igu soo fiiqay oo uu yidhi " waan kaa helaa walee waa iiga wacadee ila wadee wixii aan kaa rabay ".Markaa ayaan soo istaagay waxaanan bilaabay heestii.Waxaan idhi;

 

Afrka qaylisoo

Waxay war qayaxan ku tidhi

Anigu qayrkay ka hadhay

Qaaradihii iga tagoo

Aqoonbay kaashadeen

Oo qaarbaa dayaxa qabsaday

Libaax ayaa inta uu kacay madaxa iga dhunkaday waxana uu yidhi "Waxaas ayaa heesa,ama sidaa u heesa ama iska daayay.Waxaad nagu wareeriseen heeso jacayla oo aan faa'ido lahayn,waa wadani ninkani oo dadkiisay ayuu u heesayaa.Intiina badani waxaad u haysataan inaad dhulkiini joogtaan laakiin maaha sidaa,halkan waxa ina keenay qax iyo dagaalo oo awowyaasheen ayaa qoxooti ahaan ku yimid,markaa ninkan ayaa ka yimid dhulkii hooyo ee ka waraysta.Kadib Libaax ayaa i gudoonsiiyay abaal marintii oo ahayd shaash Libaax,halkaa ayayna heesihii ku dhamaadeen".

 

Habar dugaag oo dhan ayaa igusoo xoomay oo waxay iga waraysteen wadanka,su'aalo

faradana way iga waydiiyeen.Markaa ayaan ku idhi " Wadankii hada xaaladiisu waa iska bariga dhexe,laakiin insha allahu waxaan rajaynayaa inay wax badan iska badalaan, idinkuna waad noo imaan doontaan oo xuquuq gaaar ah ayaa la idiin samayn,beero aad u waawayn iyo dhismayaal aad ku cawaysaana waa la idiin dhisi".

Arooskii halkaa ayaa lagu gabagabeeyay, Diina waa loo hambalyeeyay ana waan u hambalyeeya,sidaa ayaana lagu kala hoyda.

 

Subaxii ayaan ka ambabaxay halkii, Libaax ayaa I dhaweeyay oo aan sii wada sheekaysanay. Markaa ayaan ku idhi " aad ayaad u mahadsantahay, abaalkaad ii gashayna waligay ma ilaawi doono, markaa dee insha allahu waan ini soo mari doonaa". Sidaa ayaanan kaga soo baxay habar dugaag.

,

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayga Inanta, hal abuurakan gaabani soo xiijadasho xiiso badan ayuu leeyahay. Waxaad moodaa in mudooyinkan dambe aan wax lagu qorin farteena oo laga doorbido afafka qalaad. Sidaas darteed, aqriska sheekadan iyada ahi waxay iilahayd xiiso gaar ah sida aan horayba u sheeggay. Aad baad u mahadsan tahay sxb. Sheekada qaybteedii hore ma la hayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa runtaa sxb, afkeena waxba kuma qorno oo waan iskaga tagnay runtii. laakiin sida adigaba hadalkaaga ka muuqata afka soomaligu si fiican ayuu u dhandhamaa haddaad wax ku akhrido, hase ahaatee luuqada kale ayaa lagu wareeray..waad ku mahadsantahay faaladaa wanaagsan ee aad ka bixisay, sheekada qaybteeda hore way ku jirtaa iyadna,,bogaga lasoo dhaafay ka eeg sxb, waxan soo galiyay dhawr asbuuc ka hore qaybta hore.. markaa hadda qoraalo kale ayaa ka dambeeyay...

 

Qaybta 1AAD....

 

http://www.somaliaonline.com/community/topic/habar-dugaag-oo-aroos-igu-casuuay/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayga, Walaal, sheekada qaybteedii koowaad waxaa fiicnaan lahayd inaad "link" toos loogu aado aad kor ku sameyn lahayd.

 

Waxaana rabaa inaan kugu mahad naqo sheekadaan oo aad inoo si wadid!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this