Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government opens talks with Garaad Selebaan in Tukaraq

Recommended Posts

Dhagayso:-Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Kulankii Garaad Saleebaan iyo Xubno Ka Tisan Somaliland Deegaanka Tukaraq.

May 9, 2014 - 5 Jawaabood

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan ay ku yeesheen deegaanka Tukaraq Xubno ka tirsan maamulka Somaliland iyo Garaad Saleebaan iyo Cuqaal ku weheliya kulankan maanta ka dhacay goob u dhaw magaalada Tukaraq.

 

Kulankan oo u dhaxeeyey Odayaal ka socda beesha Ugaadhyahan oo ay hor kacayaan Garaad Saleebaan Garaad Maxmed , Caaqil Maxamuud Askar Iyo Caaqil Cabdirashiid Cabdi Aabi, ayaa waxa dhinaca Somaliland ka socday Wasiirka madaxtooyada ee maamulkaasi Xirsi Toorile, iyo wasiirka Sportiga ee Somaliland Reygal.

 

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSIGA & QODOBADA LAGU HESHIIYEY

Wararku waxay sheegayaan in uu kulankan ka soo wada shaqeeyeen Caaqil maxmuud Askar Jaamac iyo wasiirka sportiga maamulka Somaliland Mr Raygal oo ay aad isugu wacan yihiin sxbona yihiin.

 

Goob joogayaal ayaa wax ay sheegeen in halkaasi lagu kala guddoomay afar xidhmo oo lacagta dollarka ah isla markaan la kala guddoontay, iyada oo lagu qiyaasay 40kun oo dollar.

 

Kulankan oo lagu tilmaamay mid hordhac ah lana filayo in ay xigi doonaan kulamo kale ayaa waxa culayska lagu saaray sidii arrinta Holhol oo dhawaan maamulka Hargeysa doonayo in uu hawlgalo baadhis ah ka fuliyo laysaga kaashan lahaa.

 

Waa markii ugu horaysay oo xubno ka socda maamulka Somaliland ay toos u kulmaan Garaad Saleebaan oo isagu in badan shaacin jiray in uu ka soo horjeeda maamulka Somaliland, warkan ayaa magaalada laascaanood aad looga hadal hayey tan iyo saaka.

 

 

 

Dhinac kale waxaa soo baxaya xogo sheegaya in Garaad Saleebaan ay arrintan ku riixeen Caaqil Maxamuud Askar Jaamac , Cabdilaahi Garaad Saleebaan oo ah wiilka uu dhalay Iyo xaaska garaadka Aamina Maxamed Jaamac oo aad uga shaqeeyey sidii Garaad Saleebaan kulankan uga qayb gali lahaa, iyada oo la tilmaamay in uu Axmed Karaashna Xogta wax ka ogaa, dhamaan xubnahan Garaadka Culayska saaray ayaa ka soo jeeda Hal qoys oo ah qoyska Caaqil Maxamuud Askar Jaamac, arrintan ayaa beesha ugaadhyahan gudaha iyo dibadaba Buuq weyn ka dhalisay ka dib markii la xaqiiqsaday, waxaana lagu jiraa shirar isadaba jooga iyada oo barina loo balan san yahay shirar arrintan lagaga arrinsanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this