Sign in to follow this  
SomaliaRising

Xamar Elders visit Hargeisa, Second capital city of Somalia Republic

Recommended Posts

Maxamed Xasan Xaad oo ka Hadlay Booqashada ay ku Joogaan Somaliland

0 1 Google +0 1

 

 

Axad, May 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha oday-dhaqmeedyada Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad ayaa ka warbixiyay maanta socdaal ay Somaliland ku joogaan ayaa sheegay inaysan Somaliland u tegin arrimo siyaasadeed, balse ay u tageen sidii ay walaalahooda Somaliland ugu mahadceliyaan horumarka ay ka gaareen nabadda iyo maamul-wanaagga.

 

Xaad oo u warramayay BBC isagoo ku sugan magaalada Boorame oo ay maanta tageen ayaa sheegay in qorshayaashooda ay ka mid yihiin inay la kulmaan wax-garadka reer Somaliland si ay isku bartaan iyaga oo Koonfur ka yimid iyo kuwa ku sugan Somaliland.

 

“Runtii waxay ahayd inaan mar hore imaanno, balse amarka ALLE awgiis ma aysan dhicin, fursadda waa halkeeda, waase wax loo baahan yahay in wixii laga gaabiyay shalay maanta lagu tallaabsado,” ayuu yiri Xaad oo ka jawaabayay su’aal ahayd sababta xilligan kusoo beegtay inay Somaliland booqdaan.

 

Sidoo kale, Xaad wuxuu sheegay inay la kulmeen qaar ka mid ah salaaddiinta Somaliland, xisbiyada mucaaradka ah iyo ururrada bulshada rayidka ah, ayna doonayaan hadda inay inay la kulmaan shacabka iyo xukuumadda Somaliland.

 

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in la isla dhex-marayo in dowladda Somalia ay soo dirtay, halka kuwo kalena ay sheegayaan inay casuuntay maamulka Somaliland, isagoo ku jawaabay: “Waxaan doonayaa inay meesha ka baxdo hadallada kutiri-ku-teenta ah, annaga innagaa isa soo abaabulnay, kana kooban inta Soomaalidu ay ka kooban tahay, dowladda Soomaaliyana nama soo dirsan, Somaliland iyana nama casuumin, laakiinse ay nasoo dhaweysay, innaga ayaa go’aansannay inaan ka shaqeynno sidii ay isugu furmi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed oo muddo kala qoqobnaa.”

 

Su’aal kale oo ahayd in Somaliland ay ku dhisan tahay qadiyad, Soomaaliyana ay diiddan tahay, maxay tahay waxaad ka kororsanaysaan? Isagoo taas kaga jawaabay: “Waxaan ka kororsanaynaa heerka ay nabadda ka gaareen, inaana wax badan is-weydaarsanno, labada shacabna wax badan ayaa ka dhexeeya, shacabku hadday is-fahmaanna wax walba aya furmaya.”

 

Booqashada odayaashan oo tiradoodu ku dhow dahay 50 ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu muran siyaasadeed xooggan ka jiro dowladda Somalia dhexeeda, iyadoo xisbiga mucaaaradka ah ee WADANI uu ku booqashadan ku tilmaamay mid siyaasadeed.

 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/May/wararka_maanta11-46527.htm#sthash.5LAChyfz.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this