Sign in to follow this  
odayga inanta

Qaybaha Maansada Suugaanta

Recommended Posts

Hadalka soomalidu ku hadasho wuxu ka koobanyahay 75% soomali caadi ah, 24% afcarabi, 1% waa luuqada kale. hadaba markaan afsoomaliga ka hadalno hadalku wuxu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah

 

1.Tix

2.Tiraab

 

Tix: waa qaybta hadalka ugu saraysa uguna qiimaha badan, waa duxda ama iidaanka hadalka macaaneeya ama qurxiya. Hadaan si kale u sheegno waa suugaanta afka. Tixdu waxay u kala baxdaa

 

1.Maanso

2.Maahmaahyo

 

Maanso: maansadu waa hal-abuur, kaas oo bulshada qaar uun ka yimaada. Maansadu waxay leedahay habdhac iyo qaafiyad iyada u gaar ah. Waxay u qaybsantaa;

 

. Gabay . Geeraar . Jiifto . Mansafo . Buraanbur . Guurow . Shirib

. Saar . Salsal . Waglo

 

Gabay:- maansada marka laga hadlayo gabayga ayaa ugu horeeya, maansada qaybeheeda kalena gabayga ayay ka farcamaan. Gabaygu waa hal-abuurkii ugu horeeyay ee ay suugaanyahaniintu tirin jireen. Inta badan gabaygu wuxu ku dhisanyahay qaafiyada ah ugu yaraan xaraf laba jeer kusoo laabta bayd kasta, wuxu leeyahay habdhac gaar ah oo lagu garto. Gabaygu uu laba dhacaa intiisa badan, ama uu saddex dhacaa sida gabaygii "Jiinley" ee sayidka. Tusaale waxa kamida

 

Giddigood adoomaha waxaa gaadhay nabar wayne

Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kale e

Geelii aduunka u adkaa gobolla naafawye

Golihii ka kici waa ragii gaydho hayn jiraye

 

…Ismaaciil mire gabaygii " Guuguule"……gabaygu wuxu ku sucdaa qaafiyada " G" waxayn baydkasta ku jirtaa laba jeer.

 

Xarafku wuxu baydka ku jiri karaa laba jeer in ka badan. Waxa kamida

 

Bad kalluun ku jira kolay ku tahay amase koob shaaha..

 

Geeraar:- waa martabada labaad ee maansada marka laga yimaado gabayga. Waxa gabayga lagaga soocaa qaab dhismeedka iyo dhererka meeriska. Geeraarku uu mar dhacaa. Tusaale geeraar

 

Gamaan waa magac duudoo

Sanga aan gabanayniyo

Magaankii godonaa iyo

Geenyadii dhadigayd baa

Gabigood ka dhaxaysoo

Haybta way isku gartaan

 

..Cali bucul " amaan faras".

 

Jiifto:- jiiftadu waxay kaga duwantahay mansooyiinka kale gaabida meeriska iyo habdhaceeda oo kooban. Waxa inta badan loo isticmaalaa heesaha iyo afarayda la is dhaafsado ruwaayadaha. Qaafiyada xarafku waa inuu ugu yaraan hal mar ku jiro bayd kaste. Tusaale waxa kamida

 

Sida geed caleenloo

Ubax guudka qariyay

Ooy gooni laamaha

Ay midiba geesteed

Hoobaan is gaadhiyo

Guntin mira ah leedahay

Oo soo gandoo doo

Galka faraqa soo daray

 

..Midhihii axmad saleebaan bide iyo codkii Maxamad axmad kuluc

 

Mansafo:- waxay kamid tahay bahaha maansada. Waxay jiifka kaga duwantahay meeriska oo ka yara dheer jiifta iyo habdhaca. Jiiftu waa mar dhacdaa laakiin mansafadu way laba dhacdaa. Tusaale waxa kamida

 

Ma seexane cambaro sagal samaday u boodaye

Sahankeedu wuxu gaadhay saxalkiyo mariikhee

Subax noolba waxa jooga saacad qudha ma moogine

Sabrina mayso jeerooy suuban u ciyaartee

Siciida iyo deeqina sacabka way ka boodiye

Wuxu soo sidaa odagu waa siyaakhadoodee

Siinka iyo saadkaad kala sooci waydee

Ninka soo socda ha celin sarbeeb weeyi heestuye

 

..Xaaji aadan afqalooc silsiladii " Siinley".

 

Buraanbur:- buraanburku waa qayb kamida maasooyinka suugaanta ee soomaalida. Wuxu gaar u yahay dumarka, waxana la tiriyaa wakhtiyada farxada iyo guubaabinta. Wuxu leeyahay meeris iyo qaabdhac gooniya iyo qaafiyada oo laga bixi karo, taasina waxa weeyaan in xarafkii ay qaafiyadu ku socotay laga bixi karo oo marka dhawr bayd la tiriyaba xarafka kale la galayo. Tusaale waxa kamida

 

Hooyo iisoo dhawow dhegta iga maqal

Dhawaaqaan idina dheeldheel ayaanu noqon

Been ha u qaadan beerkuu kasoo go'ee

Ceebta waa laga fogaadaaye feejignow

Ayaanu ceeshoonin wiilkaa kusoo calmaday

Ciidan wuxu kariyay cunnadiisu yaanay noqon

Inta xigtada u ah iyo gacalka wada xurmee

 

…Cibaado maxamad

 

Guurow:- guurowgu waa gabay ama godka gabayga ayuu soo galayaa. Meeriska iyo habdhaba way isku dhawyihiin, laakiin sida loogu luuqeeyo ayuu kaga duwanyahay gabayga. Waxana inta badan laga isticmaalaa koonfurta soomaaliya. Tusaale waxa kamida

 

Muqmuqlayda naageed ninkey joogto minankiisa

Iyada munaafaqa xadoo meel iskula dhuuntay

Hadday meel iskaga soo dhacaan ee la wada maadsho

Ma joogaa iyo maya warkay mahadiyaan waaye

 

Shirib:- wuxuu isaguna kamid yahay bahda maansada. Wuxu leeyahay miisaan iyo meeris gooniya, waxaana lagu gartaa qaabka loogu luuqeeyo. Tusaale waxa kamida.

 

Hogaankii dalka waa heblow, idinna waa hor joogsateen

Haramacas hilib qaatayaad, kadaba habhab leedihiin

Hub cusub ninka soo heloo, heshiiska diiday waa heshaa

Hadaad ka hilba hugsateen, himiladiinii waa hesheen

 

Saar:- inta badan saarka aad looma adeegsado, waxa isticmaali jiray sugaanyankii cadhays ciise kaarshe allah u naxariistee. Waxa loo qaada qaab gooniya oo iyada u gaar ah. Tusaale waxa kamida

 

Siin looxaa lagu dhigtaa

Sadar waa la akhriyaa

Socdaal waa loo kacaa

Sakada waa lala baxaa

San waa laga neefsadaa

Sariir waa lagu hurdaa

Sidii kale waxan lahaa

 

..Cadhays ciise kaarshe "Soonqaad"

 

Salsal:- salasal isaguna wuxu kamid yahay qaybaha maansada. Wuxu leeyahay habadhac iyo qaab gaar ah oo loo qaado. Waxa inta badan la adeegsadaa wakhtiyada hawasha iyo hees hawleedada kala duwan, sida marka beerta la qodayo ama xoolaha la waraabinayo. Tusaale

 

Cayn gabadhi kuu jiidaad

Ka calaacalaysaa oo

Cudadiina kuu taal

Sida caynku kuu gubay

Ayaa cagtu ii daloosha

Inaan kugu dhuftaad moodee

Waan kugu la soo dhacay

 

..Hees hawleed marka geela la rarayo.

 

Waadigii cararaayee

Car I taaba laahaye

Dullaha caaradiisu

Baguu caynku ku gooyay

Markay beertu bislaato

Waan kuu badhi goyn

 

…Hees hawleed marka beerta la qodayo

 

Weglo:- waxay iyaduna leedahay qaab gooniya oo loo qaado iyo miisaan iyo meeris iyada u gaar ah. Tusaale waxa kamida

 

Wixii wacanbaa wad laga karine

Wajaale wanaagsanaydaa

 

Sidii adhi goosmayoo bahal galay

Miyaanu u gaynay gaalada

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Odayga, maqaalkan qiimaha iyo qaayaha leh ee aad inoo qortey waad ku mahadsantahey. Runtii in badan baan ka faa'idey. Hase yeeshee, qodob yar baan rabey in aan kaa saxo. Waxaad tiri saarka in badanaa aan la adeegsan. Saarka waxaa aad looga adeegsadaa, ilaa maantana laga tiriyaa gobollada Jubbooyinka iyo NFD.

 

Bal ila dhageyso saarkan uu tiriyey halabuur reer Gaarisa ah:

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this