Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Security Minister Visits Tukaraq. Declares War

Recommended Posts

Dr_Osman   

Minister of Security

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga dowladda Puntland Xasan Cismaan Aloore ayaa maalinkii shalay booqasho ugu tagay ciidanka difaaca ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland,ku xigeenkiisa iyo saraakiil ammaan ayaa socdaalka wasiirka ee Tukaraq ku weheliyay wuxuna booqday meelaha ay kaga sugan yihiin ciidanka iyo sida ay ugud iyaarsan yihiin in la difaaca dhulka Puntland.

 

Xasan Cismaan Aloore ayaa ciidanka uu booqday u jeediyay khudbad dhiirigalin ah wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay sidii loo gudan lahaa waajibaadka dalka ka saaran ciidanka iyo iska caabinta weerar kasta oo Alshabab iyo Somaliland kaga yimaada.

 

Xalay wasiirku waxa uu ku hoyaday Tukaraq taasoo qayb ka ah dhiirigalinta ciidanka jooga goobaha difaaca ee deegaanadda Puntland wuxuna balan qaaday inay xili kasta ka war qabi doonaan ciidanka iyo xaalada ay ku sugan yihiin.

 

Socdaalka uu wasiirka Amniga Puntland ku tagay Tukaraq oo ay cidanka Puntland ku sugan yihiin ayaa ka danbaysay ka dib markii magalada Taleex ay dhowaan duulaan kusoo qaadeen ciidamo ka socda mamulka Somali diidka ah ee Somaliland.

 

Inkastoo ciidanka Puntland aysan ku sugnayn degmada Taleex haddana wararka soo baxaya ayaa sheegaya dowladdu inay u qorshaysay sidii tilaabo looga qaadi lahaa daan-daansiga mamulka Somaliland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this