Sign in to follow this  
malistar2012

Hormuud Foundation oo beero u falayso 500 oo qoysas oo ku nool Jowhar Sawiro

Recommended Posts

Hormuud Foundation oo beero u falayso 500 oo qoysas oo ku nool Jowhar

 

 

_falid_beer_12.jpg

 

 

Hay’ada samafalka Hormuud Foundation ayaa ka bilowday magaalada Jowhar ee xarunta Sh/dhexe barnaamij ay gargaar ugu fidineyso qoysas ay dhibaato ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle.

 

Qorshahan ayaa loogu falayaa beero shan boqol oo qoys oo ka mid ah qoysaskii ay fatahaaduhu saameeyeen. Madaxa Ururka samafalka Furqaan Cabdifatax Macalin Maxamuud ee ah ururka howsha gargaarkan fulinaya ayaa sheegay in qoysas aad u tabar daran loo soo xulay in loo falo beero ay ku abuuranayaan galley iyo dalagyo kale.

 

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay cagafcagafyo howlaha fulinaya ayaa u mahadceliyay hay’ada Hormuud Foundation oo gargaar waqti wanaagsan ku soo beegmay u fidisay qoysaska ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle.

 

Madaxa shirkadda Hormuud ee gobolka Sh/dhexe Sh.Axmed Barrow Acraabi oo ka hadlayay munaasabadan ayaa sheegay in hay’ada Horumuud Foundation aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay gargaar u filiso dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxaana uu sheegay in haatan ay hay’ada Hormuud diyaar u tahay sidii gacan uga geysan lahayd qoysaska taagta daran ee ay fatahaaduhu saameyeen in ay beerahoodii dib u abuurtaan.

 

Waa markii ugu horeysay barnaamij noocan oo kale ah laga fuliyo gobolka Sh/dhexe iyadoo haatan ay ka soo kabanayaan shacabka gobolka fatahaadihii saameeyey dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay

 

 

_falid_beer_15.jpg

 

 

_falid_beer_2.jpg

 

 

_falid_beer_7.jpg

 

 

_falid_beer_9.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

_falid_beer_15.jpg

 

balcaD.jpg

Congrats to Harmuud Telecommunication and Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow Calasow . A significant achievement for a Somali Company such as Harmuud Telecommunication.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this