Allowitaageer Posted April 7, 2014 Waa silsilad laga matalahayo siyaasiinta Soomaaliyeed iyo doodaha dhex yaala oo laga cabiray tixo laga dhigayo inay iyagu marsheen. Nuune Madoobe, ahna ninka hada sheegtay madaxa lixda gobol ayaa furay silsiladi, isagoo la hadlaya Axmed Madoobe. Wuxuu yidhi Nuune; Axmedow ninkii gabay yaqaan waa gedaan ahay'e Ninka garan halkaad degi jirtaan looma duur galo'e Godka Dahare goonyaha Dalaad gebiga Shaygoosh ah Gabo-gabo Xaraar iyo Bankiyo Gowga iyo Laago Abidkaaba Galadiid ayaad gole dhex taagneyd'e Goofyaha Kismaayona anaa joogay gudaheed'e Soo galooti baad nagu aheyd gu'gan hortiisiiye Bal gar qaata taariikhdu waa gun weyntahay'e ! Waxaa kasoo jawaabay tixdaas korre, Axmed Madoobe ahna madaxweynaha Jubba. Wuxuu yidhi Axmed; Kol Alloon ka gaabsado tixaha geesna uba leexsho Ayunbay rag noo soo gudbaan or iyo geeraar'e Gabaan waliba maansada galyoo nagu galaal-xoorye Lixda gobol ninkaa sheegtay ee gooddi laga keenay Gogoshiina nagu heysta ee naguba soo guurey Ee guluf abaabulahayaa siduu goolka dhalinaayo Gudcur buu gudaayaa habeen meel gol iyo laag'e Gufaacada dagaalkaan ninyahow geli naqaanaaye Barre-Hiiro Goob-weyn ka carar gudub usii dhaafye Ragii Xamar kasoo guuxi jirey way gabanayaan'e Adiguna geddii baad tahoo gumac ma tuurtaan'e Bal guddoonka aan sugo kolley teydu ii go'ane ! Silsiladii waxaa kusoo biiray madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlaya labadaa ninee korre, isagoo waliba garabka saaraya una hiilinaya Nuune Madoow. Xasan Wuxuu yidhi; Raga garida ii tumanhayee labada gees jooga Garaad maleh warkiinuye anaa taliya guudkii'e Amarkeyga kii garab maraa waan gembinayaaye Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri Waamo Erey waa ninkaa gobol dhistee lix igu gaadhsiiyay Guda-faqa ragii wada shiree wada go'aan qaatay Ee gacal ahaa baynu nahay waad i maan garan'e Garab iyo itaal iyo haddaad guuto iga dooni Golahaaga waan buuxin oo gaadhiyaan tubiye Adna igu gargaar oo ilaa xeebta guluf geeya Ereyna waa Gob-weyn iyo ninkaa jooga guri waamo Geed-khadhaadhka nimankaa noqdee gumac afuufaaya Ee Kismaayo gaaf-meerayee loogu geli waayay Galbeed bay ka keeneen Gogliyo Godey agteediiye Garloogube Awaariyo Wardheer Faafan gudaheeda Gaarisana badh baa soo bixiyo gaasas xoog badan'e Qaramada Midoobey Giriig Golaha iiyuuda (EU) Gebiyada Statekiyo Latiin guudka Carab oo dhan Gaalliyo Islaamkaba fariin yaw gudbinayaaye Axmed inaan garaacnoon dhamaan gooni ka ahaano Ayey talo kusoo biyo go'dee gacanta ii dhiiba Haddii kale gumoobaye Abbsame haygu geeraaro Ha garaaco dhaantoda illeen goofkii iga qaadye ! Reysul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn baa daf soo yidhi Silsilada, isagoo diirka ka qaaday, Nimankan is heysta inuusan kala jecleyn oo uu kolba mid hubeyni, si ka kale loo jebiyo Wuxuu yidhi Hailemariam Desalegn; Ardi Sababa anigoo fadhiya saxarkan soo duulay Ee niman la seegseegayeen saaka iyo maanta Bal aan sawdka eegoon tixaha saadka ka higaadsho Sayid Maxamed baa nagu yaqiin dirirta sooyaan'e Dhaaxuu na soo galay isoo faraskii saarnaaye Dhaaxuu na siibtoo na jaray subax arooryaad'e Ana ciilka igu saaqsan baan idinku seeteeyn'e Soomaalida ninkii dilahayaa saaxib baan nahaye Qori Szuu ah maarraha sinsiman waan ku saacidiye State been ah anigaw sameyn sabada reerkiis'e Saf saf baan ukakala goynayaa calana waan siin'e Nin walaalkii seef marinhayaa anaa u soofeyn'e ! Mid aan siray mid aan soomiyiyo mid aan saqiireeyay Sadexdaa inaan kula dhaqmaa waa saxiix dhab ahe ! Intaas kadib waxaa maqlay in silsiladi furatay Bare Aadan Shire-Hiiraale, isagoo gar u heysta eedna saaranaya Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu Yidhi Barre Hiiraale; Xasanow sidaad ii gasheen saaxiib maan rabin'e Sabaaxada sidaad i ridaan wali u seexdaaye Sidaan geed u saarnaa ayaan suuxay oon dhacay'e Sababtaba adaa keenayoo waad ii sixirteen'e Surimaha Kismaayaad i tidhi qeylo soos geliye Adaa yidhi Sarkaalaan ku siin saajac oon baqan'e Adaa yidhi Statekaba qabsoo sahalna weeyaan'e Adaa yidhi ku sii soco ilaa xeebta oo sax ah'e Afar gees sanbuuskii lahaa suuqa laga waa'e Sahan baas adaa ii diroo saaftay hilibkay'e Suryo oodan baad igu rideen saymo aar galay'e Saantii joogsan weydaa mar bey sahayan ceebtaas'e Nin eersan maayo'e sidaa yeelay sifaheed'e Allahayow adaan kuu samree suubi taladeyda ! Xasan Sheekh kama uusan garaabin eedii loo soo jeediyay ee Barre Hiiraale soo diraye, wuxuu eedii dusha ka saaray Reysul wasaarihii horree Soomaaliya Saacid Shirdoon; Wuxuu yidhi Xasan; Barre Shirow bilaash kuma hadliyo baanisiyo faan'e Runta lagama beydhee xaqaa lagu badhaadhaaye Boholaha laguu qoday godkaa lagugu biimeeyay Balaayada adaa raadsadoo galay barteediiye Bahalada shabeelkiyo libaax buladlihi Aarka Baarqabada Oggaadeen adaa doontay berigiiye Banaankaaga jooga ragaa looma soo baxo'e Ninka buunka kuu tumay sidaad dhaanto baraneyso Baaruudana ku siiyee qoryaha badana kuu keenay Ee yidhi baqoolaha gal oo Jubbada balali oo qiiji Ee bidhaan fog kuu muujiyee beenta kugu miisay Bi'waaye saw Saacidkuba adi bahdaa ma,aha ! Abwaan Golduulaan Aar-tubane@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted April 7, 2014 gabaygaan waxaa tiriyay axmed madoobe markuu maqlay kenyati xafladaysanaya qosolkooda Quote Share this post Link to post Share on other sites