Sign in to follow this  
malistar2012

Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag lagu tuhmayo dilkii odoyaasha Buurhakaba

Recommended Posts

images?q=tbn:ANd9GcQOwVC8CBLdc9BCO3oWnr-

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay rag lagu tuhmayo dilkii odoyaasha dhaqanka ee Buurhakaba

 

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dil wadareed dhawaan duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay loogu geystay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed oo ka yimid magaalada Baydhabo.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliye Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in raggan lagu tuhmayo in ay ku luglayaaheen falkii23 bishii Maarso lagu dilay odoyaal dhaqameed lagu guuleystay in la soo qabto, waxaana uu intaa ku daray inay ku socoto howlo baaritaanno ah.

“Ciidamadu waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah ragga lagu tuhmayo in ay falkaasi geysteen, labo ka mid ah waxaa laga qabtay magaalada Buurhakaba, halka labada kale laga qabtay magaalada Baydhabo” ayuu yiri Taliyaha.

Jeneraalka ayaa xusay in lagu raad joogo rag kale oo lala xiriirinayo falkaasi, isagoo tilmaamay in ragga hadda gacanta lagu hayo lala tiigsan doono sharciga.

 

Taliyaha ciidanka booliska ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isagoo xusay in howlgallo kuwan la mid ah oo laga sameeyay Muqdisho ay ciidamadu ku soo qab qabteen rag iyo walxaha qarxa.

 

“Waxaa lagu guuleystay in waxyaabaha qarxa gacanta lagu soo dhigay iyo rag arrintaasi lala xiriirinayo, iyadoo la adeegsanayo xogta shacabka, marka waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, howlgalladuna waa ay sii socon doonaan” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this