Sign in to follow this  
malistar2012

Ciidanka Xooga Dalka Qaybta 21 ready to Liberate GOBOLLADA DHEXE

Recommended Posts

CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYA QAYBTA 21AAD GOBOLLADA DHEXE OO MAANTAY SHEEGAY IN AY DHAWAAN BILAABAYAAN HOWLGAL AY AL-SHABAAB UGA SAARAYAAN DEGAANADA AY KATALIYAAN GOBOLKA GALGADUUD.

 

 

 

mila_8.jpg

 

 

Ciidamo Badan Oo Ka Tirsan Xooga Milateriga Soomaaliya Oo Maanta Tababar Usoo Dhamaaday Kuna Dhaartay Difaaca Dalka

 

Published on January 5, 2014 by sooyaalo · No Comments

Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta tababar loogu soo xiray xarunta taliska 21aad ciidanka ee ku taala Degmada Dhusamareeb, kuwaas oo muddo afar bilood ah tababar uu u socday.

 

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Galgaduud kan Degmada Dhusamareb, qaybaha Bulshada iyo mas’uuliyiin ka socotay Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

 

Ugu horaynba waxaa munaasabada ka hadlay Taliyaha qaybta 21aad Sulub Axmed Diiriye waxa uuna ka warbixiyey sidii uu tababarka ciidamadaan uu u socday, isagoo xusay in ciidamada tababaarka loo soo xiray ay tiradoodu gaareyso 600 askari.

 

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Sareeye Guuto C/laahi Cusmaan Cageey waxa uuna sheegay in ciidamadaan hada wixii ka dambeeya ay heli doonaan xaquuqdoodii ciidannimo dowladuna sanadkan cusub ay qorshe u dajisay dhammaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dib u dhiskooda.

 

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah bulshadii ka soo qaybgashay xafladda xiritaanka tababarka waxa ayna balan qaadeen inay garab istaagayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambayn munaasabada ayaa waxaa soo gabagabeeyey Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) waxa uuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in ciidamadaani ay mudan yihiin mahad celin, isagoo tilmaamay in tababarkaan ay soo bilaabatay 30kii August ee sanadkii tegay. .

 

Ciidamadaan maanta tababarka loo soo xiray ayaa waxa ay ku dhaarteen difaaca diinta, dadka iyo dalka Soomaaliyeed waana markii ugu horaysay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed tababar loogu soo xiro xarunta taliska 21aad tan iyo wixii ka dambeeyey bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Sooyaalnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this