Sign in to follow this  
malistar2012

Ciidamada Dowladda oo toogteen Madaxii Amniyaadka Shabaab u joogay Bakool

Recommended Posts

images?q=tbn:ANd9GcQCegYFN9RnRwJhCJR4B2Y

 

 

Bakool (Caasimada Online) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaabaya kuwa AMISOM ayaa ku Dilay hogaamiyihii maleeshiyada amniyaadka ee Xarakada Al Shabaab Degaan ka tirsan Gobolka Bakool.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cali Dhagaqey iyo 6 ka tirsan Ilaaladiisa, ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku Dileen Degaan lagu magacaabo Daba-gadir oo ka tirsan Gobolka Bakool. Cali Dhagaqey, oo ahaa Madaxii Amniyaadka ee maleeshiyada Al Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in uu ku gowracay Wadaad Caan ahaa 19-kii Bisha Marso ee Sanada 2013 Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

 

Taliyaha Ciidamada Guutada 60-aad, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay toogteen Madaxii Amniyaadka e Ururka Al Shabaab u joogay Gobolka Bakool.Waxuu Taliyaha sidoo kale carabka ku dhiftay in Dilka Sarkaalkan uu fududeeyay Rag ay ku dhex

leeyihiin Ururka Al Shabaab isagoona tilmaamay in ay socon doonaan beesiga Saraakiisha AlShabaab. Majiri hadal ka soo baxay Saraakiisha Al Shabaab oo ku aadan Dili Xaly loogu geystay Madaxii Amniyaadka ee Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab

Degaan ka tirsan Gobolka Bakool.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dilay sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab degaan ka tirsan duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cali Dhagey iyo 6 ka tirsan Ilaaladiisa ayaa la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku dileen Degaan lagu magacaabo Daba-gadir oo 25km ka baxsan magaalada Xudur ee gobolka Bakool habeen hore.

 

Taliyaha Ciidamada dowlada Guutada 60-aad oo la hadlay Idaacadda SKY FM ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay toogteen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u joogay Gobolka Bakool.

 

 

Waxuu Taliyaha sidoo kale sheegay in dilka Sarkaalkan ay fududeeyeen rag ay ku dhex leeyihiin Ururka Al Shabaab, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada dowlada ay la soo wareegeen lacag 30 milyan shso ah oo sarkaalkan uu watay.

 

Cali Dhagey oo ah Madaxii ciidamada amniyaadka ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku gowracay Wadaad Caan ahaa 19-kii Bisha Maarso ee Sanadkii 2013 Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

 

Illaa hadda ma Ma jiro hadal ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dilka loogu geystay duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool sarkalkan iyaga ka tirsanaa.

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab are being hunted down and killed - they are on the run confused loosing high ranking Saraakiils .

 

meydad-shabaab-ah-310x174-300x168.jpg

 

 

Dhagayso:- Saraakil Al-Shabaab ah oo lagu Dilay Gobalka Shabeelaha Hoose

 

 

Feysal C/qaadir oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dawlada Somaliya ayaa waxa uu sheegay in dagaal dhawaan ka dhacay degmada Qoryooleey duleedkeeda waxaana uu sheegay inay ku dileen dagaalkaasi 25 sargaal oo ka mid ahaa xarakada Al Shabaab.

 

Sargaalkaan u hadlay ciidanka dagaalka kawada gobolka Shabellaha hoose ee dawlada Somaliya katirsan ayaa sheegaya inay sidoo kale ciidanka iskaabaya ee AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka gacanta ku dhigeen labo baabuur oo nuuca dagaalka ah.

 

Feysal C/qaadir waxa uu sheegayaa inay dhawaan qorsheynayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen saacadaha soo socda degmada Qoryooleey oo weli shabaabku ka taliyaan.

 

Dagaalkii ka dhacay maalin ka hor degmada Qoryooleey duleedkeeda ayaan waxa weli ka hadlin Al Shabaab iyagoo aan ka jawaabin hadalka kasoo baxay dhinaca dawlada ee ah in saraakiil Al Shabaab ah dileen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this