Sign in to follow this  
Dalmar1

Xaglatoosiye Oo Dilka Siilaanyo Ka Bad-Baaday

Recommended Posts

Dalmar1   

Xaglatoosiye Oo Dilka Siilaanyo Ka Bad-Baaday Waxaa Is-Weydiin Mudan Wasiirnimada Ma Iska Casilayaa Mise Wuu Ka Aamusayaa Dilka Loo Qorsheeyay?Hadal-Heynta Ugu Badan Ee Somailand Lagu Sheekeysanayo

Hadal-heynta ugu badan ee Somaliland ayaa noqotay dhaawaca madaxa ka soo gaaray Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye oo ka bad-baadayay isku day uu ku dili lahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo,lamana yaqaan sababta ka dambeyso in la dilo.

 

Qofkii Alle ugu tala-gala ayaa dhinta Wasiir Xaglatoosye oo Laascaanood ka soo jeeda ayaa ka bad-baaday isku-daygii lagu dili-lahaa,waxayna u badan-tahay dhaawaca hadiii uu ka soo kaco inuu afkiisa xito kana aamuso dilkii uu Siilaanyo u maleegay,maadaama Siilaanyo uu gaariga Xaglatoosiye uun watay uu gadaal uga dhacay iskana dhigay sidii qof shil galay.

 

Wasiir Xaglatoosiye ayaa isagu ahaa aas-aasihii Ururkii bur-buray ee SSC,laakiin markii uu isku dhiibay Somaliland ayaa magtii dhalinyaradii uu ku laalayay magaca Jabhadda SSC loogu bedelay Wasiir.

 

Hadaba hadal-heynta ugu badan Somaliland ayaa noqotay Siilaanyo inuu doonayay inuu si reer magaalnimo ah isku dhaafiyo Wasiirkan oo la sheegay in maqalkiisa iyo muuqaalkiisa laga nacay Madaxtooyadda Somaliland,maadaama uu bilkasta ku goodiyo hadii lacagta aan loo badan inuu Laascaanood u gacan-galinayo Puntland kadibna uu Wasiir ku bedelayo Laascaanood,iyadoo hadalkan uu dhibsaday Siilaanyo,kadibna isku dayay inuu Gaarigiisa ku dhugto Gaariga Xaglatoosiye,si hadii uu geeriyoon-lahaa Xaglatoosiye suuqa loo geliyo shir gaari buu ku dhintay,laakiin nasiib-wanaag isagoo madaxa ka dhaawacmay oo dhiig baxay ayuu yaalaa Isbitaal Degmadda Ber-Bera ku yaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this