Sign in to follow this  
Dalmar1

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda S/land Oo U Goostay PUNTLAND

Recommended Posts

Dalmar1   

Abokor Sulub Oo Puntland Iska Dhiibay:Taliyihii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Ayaa La Dejiyay Hoteel Garoowe Ku Yaal Isagoo La Daweynayo Kadib Markii Maamulka Somaliland Ay Dacayeen Inay Daweeyaan

 

MByonas

 

Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaaladda ee Madaxtooyadda Somaliland Abokor Sulub Dha-Dhable oo mudooyinkii ugu dambaysay magaaladda Hargeysa ku rafaadsanaa kadib markii uu waayay cid daweysa oo xanaaneysa ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Maamulka Puntland inay magan-galyo siyaasadeed siiiso.

 

Taliye Abokor Sulub ayaa hadda la dejiyay Hotel ku yaal magaaladda Garoowe,iyadoo isbitaal gaar-ahaaneedna lagu daweynayo,wuxuuna sheegay Maamulka Somaliland inay dayaceen inay xaaladiisa caafimaad wax ka qabtaan.

 

Ilaa iyo hadda Abokor Sulub Dha-Dhable lama hadal Saxaafadda,waxaana al filayaa kolka la baxnaaniyo caafimaadkisana la daweeyo inuu la hadli-doono Warbaahinta si uu uga hadlo sababta uu Somaliland uga soo baxsaday iyo sababta Maamulka Somaliland u dayaceen inay daweeyaan Taliyahan oo amaan u soo jeediyay Maamulka Puntland inay baxnaano fiican u sameeyeen.

 

 

Dowlada cusub ee Puntland ee uu garwadeenka ka yahay madaxweyne Cabdi wali Gaas ayaa guulo isdaba jooga oo dhinac walba ah gaareysa, iyadoo aysan dowladu xataa wali u buuxsamin boqolkii casho ee lagu qiimeyn lahaa waxqabadkeeda.

 

Balan qaadkii madaxweyne Gaas xiligii uu tartamayey ayey ka mid ahayd inuu xooga saari doona sidii isfaham siyaasadeed oo nabadgelyo ah lagu soo dabaali lahaa gobollada ka maqan Puntland ee iyagu wax ka tirsanayey maamulkii hore.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this