Sign in to follow this  
cadnaan1

Caqli xumada reer mudug.

Recommended Posts

cadnaan1   

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu maxkameynayo dalka Jarmalka

Published on January 22, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 315 views

saalax

 

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa la soo taagay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Saalax, kaasi oo loo haysto in uu ka mid ahaa kooxo burcad badeed Soomaali ah oo horey u afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka.

 

Maxkamadeynta muwaadinkan oo shalay ka bilaabatay dalka Jarmalka ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa koox burcad badeed Soomaali ah oo lacago madax furasho ka qaatay markab lagu magacaabo Marida Marguerite oo laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasi oo ay saarnaayeen 22 shaqaale, waxaana uu siday kiimiko.

 

Markabka ayaa waxaa la afduubtay bishii May ee sanadkii 2010-ka, iyadoo lacag dhan 4.2 milyan la siiyay kooxihii afduub ahaan u haystay bishii December ee isla sanadkaasi,

 

Saalax ayaa dalka Jarmalka tegay horaanta sanadkii 2013 isagoo qaxooti ahaan isu dhiibay dalka Jarmalka, waxaana saraakiisha ammaanka ee dalkaasi ay sheegeen in lagu ogaaday marka farahiisa laga qaaday, taasi oo ay ku sheegen in xilligii lacagta la siinayay sidaan oo kale faraha looga qaaday.

 

Saraakiishu waxa ay Saalax ku eedeeyeen in uu badashay magaciisa markii uu dalka Jarmalka magengalyo u galay, waxaana lagu wadaa in markale la soo taago Maxkamadda 29ka bishaan, iyadoo inta ka horeysa waqtigaasi lagu haynayo xabsiga.

 

Saalax waxa uu dhashay 21.10.1969 wuxuuna ku dhashay Somaaliya, waa xaas leh 4 caruur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this