Sign in to follow this  
Dalmar1

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xuntahay eedeymo kasoo yeeray Maamulka Soomaaliland.

Recommended Posts

Dalmar1   

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa wax lalayaabo ku tilmaamtay hadalka kasoo Soomaaliland oo sheegaya inay hayaan macluumaad sheegaya inay dowladda federalka bur burin iyo kala fur fur ku hayso maamulkaas. ayna dhawaan soo bandhigayaan macluumaad arintaas muujinaya.

 

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay hadalkaan inuu kusoo beegmay xilli ay wadahalo u socdaan dowladda federalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

 

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay warkaan oo kale inuu sii kala fogeynyo labada dhinac , uuna caqabad horleh ku noqonayo isfahamkii iyo shirarkii u socday Soomaaliya iyo soomaaliland.

 

C/Kariin Xuseen Guuleed wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inay waajib ku tahay sii hor marinta nabad galyada kajirta maamulada hana qaaday wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Wuxuuna cadeeyay dowladdu inaysan caqabad ku ahayn nabada Soomaaliland. Ugu dambayn wuxuu Soomaaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan hadalo caynkaan.

 

Hadalka Wasiirka arimaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan Soomaaliland ay ku eedeysay dowladda federalka Soomaaliya inay carqalad ku hayso nabada Soomaaliland ayna damacsan tahay kala fur furka midnimadeeda.

 

Dhageyso wasiirka arimaha gudaha.

 

 

http://daawadnews.com/wp-content/uploads/2013/11/wsiirka-arimaha-gudaha-galabta-sax.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this