Sign in to follow this  
YoniZ

Cilimigii iyo caqligii soomaaliya xagee loola hayaamay?

Recommended Posts

YoniZ   

-Qalinjebisku heedhe – ma qurboo la aadaa, ma dhulkoo la quuraa.

-Ha dhasiigin dhulkaaga hooyo – ha dhayalsan dhibaatada haysa.

-Ardayahay aqoonta ilaah kusiiyay – ka daaya iib geynta suuqa.

 

Sida anynu wada ogsoonahay waxay dhegaheenu maqlayaan maalin walba ardaydii jaamacadaha dhammeysay iyo weliba intii aqoonta u saaxiibka ahayd oo si daran ugu qulqulaya dibadaha, iyagoo ku biiray kuwa kale oo kasoo cararay, waxbarasha la’aan, shaqo la’aan, amni iyo nabad gelyo darro.

Maahan wax lala yaabo inuu qofku raadsado nolol ku haboon wixii uusoo bartay laakinse waxaa is weydiin mudan, yaa ku halleysay dalkeenii oo aynu xaaladiisa ka warqabno,ha noqoto mid waxbarasho, caafimaad iyo dhankastaba, miyeysan habooneyn inaan uga faa’iideyno wixii aynu soo baranay waddaniyiin dhab ahna noqono.

Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa waddamo badan oo u sahlay ardayda soomaaliyeed inay waxbarsho siiyaan sida ; Sudan, China, Malaysia, Pakistan India, Ugandha iyo kuwa kale oo fara badan, waddamadan oo badankoodu ay weli aqbalaan astaantii qaranimo ee luntay (Basaboorka Soomaaliya).

Sidaa darteed waxaa haboon inaan u shukrino wadamadaas, maxaa yeelay qofkii aan dadka u shukrin ilaah uma shukriyo.

 

Intaa kadib waxaa lays weydiin karaa, Maxay wadamadani inoo caawiyaan oo marwalba inoo garab taagan yihiin ha ahaato dhanka waxbarashada iwm?

Jawaabta waxaan filayaa qof walba wuxu u garanayaa si wacan, waana inaan dib usoo celino qaranimadii, sharaftii. Midnimadii, xooggii iyo haybaddii ummadeena soomaliyeed ee luntay iyo jawaabo kale oo maskaxdeena ka guuxaya.

 

Hadaba aaway waajibkii qof walba kaga aadanaa wadankiisa hooyo , mise keliya wuxuu eegtay dantiisa gaar ahaaneed, wuxuna meel iska dhigay danta dalkiisa iyo dadkiisaba .

Runtii waa nasiib darro weyn inaynu hadafkeena ku koobno arrimo yaryar, aynuna iska illowno hadafkii ummadeena iyo dantii guud ahaaneed, waxana sidoo kale wax laga xumaado ah inay ogaadaan wadamada aynu waxka barano waddaniyadeena inay liitado oo aad u hooseyso, waxaan ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday soomaliyeed , waxaa ka hadlay Prof ka mid ahaa barayaashii ardeydaasi, waxana khudbadiisa ka mid ahayd “ Soomaaliyey annagu wax idiinma barno inay wadamo kale aqoontiina iyo caqligiina ka faa’iideystaan ee waxaan wax idiin barnay waa inaad wadankiina dhibta iyo xaaladda murugsan ka saartaan, fadlan wadankiina ula laabta ,wixii cilmi ah ee idiin kordhay”

Waxa sharaf dhac weyn ah inuu qof aan Somali ahayni inoo tilmaamo waajibaadka innaga saaran dhulkeena hooyo.

 

Waxan shaki ku jirin in sababta ugu horreeysa ee wadankeenu dhibka iyo burburka uga bixi la’yahay tahay Jahliga iyo aqoon darrada baahsan ee ka jirta dalka.

Akhristow haddii qof walba uu aqoonta la aado dalal shisheeye, dalkiisa uusan kula laaban habayaraatee miyuusan noqoneyn dhul-caasi sida qofka waalidkiisa ku caasiya uu u noqdo waalid-caasi ,dalkeenna oo naga mudan hagar la’aan inaan wax ugu qabano ayaan hadana aysan muuqan wax rajo muuqata ah oo aynu u hayno waxqabad ha joogee.

 

Ardaydii jaamiciyiinta ahayd xagee ku danbaysay?

Hadaad u fiirsato ardaydii soomaalida ahayd ee jamacadaha ka qalin-jabiyey meeshii ay ku danbeeyeen waxaad ogaanaysaa inay u qeybsameen saddex qeybood :-

 

1: Qeyb noqotay dhul caasi , oo aan dib u eegin ,ilaawayna waajibkii ka saarnaa wadankooda , una hanqaltaagay , meelo kale, maskaxdoodii laxaday ,cilmigii ay barteen uga faa’iideeyay dad kale iyo dhul kale, soomali walba haduu dhaho wadankii waa gubanayaa oo iima qalmo mana ku noolaan karo waa inaan ka cararaa, hadaba waxa su’aashu tahay, haddii gurigaagii dab-qabsado maxaad sameyn lahayd? Ma intaad u tafa-xaydatid oo biyo ku damisaa ama ciid iyo waxad hesho ku shubtayaa waad u saburi lahayd waadna ku dadaali lahayd inaad badbaadisid hantidaada, Mise waa ka carari lahayd, waana sida ugu fudude oo meel aadan lahayn ayaad magangelyo kadooni lahayd!.

 

2: Qeyb kale oo iyaga aysan u suurta galin inay maraan wadadii kuwii hore laakiin niyaddoodu aysan joogin, kuna hammiya hadiyo jeer sidii ay maruun dalka uga bixi lahaayeen ..nasiib xumo hammigoodii ugu waynaa wuxuu noqday sidee lacag badan ku heshaa sidee taajir ku noqotaa sidee hay’ad heblaayo ugu shaqaysaa ?.

 

Ma is waydiinay hay’adaha ujoodeeyinkooda iyo muhiimadoodu waa maxay?

Hay’aduhu waa gumaysi dadban , waxayna qeyb weyn ka yihiin horu-mar la’aanta bulshadeena, waa waxa dhalintii aqoonta lahayd tustay in aysan la’aanteed wax qaban Karin , waxaa haboon inaad marka hore bal miisan isa saarto oo aad is fiiriso maxaad u qalantaa inaad qabato , maxaad qaban kartaa , ka soo qaad waxaad tahay dhakhtar , somaliya markaad tagto waxaad ka shaqo bilowday hay’ad , shaqada ay kuu dirayaan waa inaa fariisato xafiis yar , maalinkii laguu baahdo ayaa kormeer kooban samey lagu leeyahay ,waxa laga yaabaa inaad tagto meel aysan ka jirin waxyaalaha daruuriga u ah caafimaadka, nafaqo la’aan, hoy iyo cunto la’aan baahsanina ka jirto in lagu yiraahdo u sameey wacyi gelin waxaadna oraneysaa “ waa inaad ku daadaashaan caafimaadka ,maxaa yeelay waa muhiim” .

Wacyi gelinta qof walba wuu qaban karaa mana haboona in qof dhakhtara waxtarkiisa uu intaas ku koobnaado, waxa lagaa rabaa inaad shaqada u gudato daacad-nimo iyo hagar la’aan, una daneysid bulshadaada tabaaleysan, sidoo kale waxa muhim ah ka howl galida iyo maareynta xarumaha caafimaadka cilmigaagana wax weyn ugu qabatid dadkaaga oo dhan.

 

3: Qeybta saddexaad oo iyagu hagaagay oo gutay waajibkii ka saarnaa wadankooda , ka soo baxay wax walba oo laga rabay, noqday wadaniyiin , laakin sida inta eebbe u shukrida ay u yartahay ayay iyana u yaryihiin .

Maxaa noo diiday inaan ku dhaqno wadankeena waxaan soo baranay ?.

Inta badan dadka waxbarta waxay ku hammiyaan inay si kasta waddankooda waxa uga faa’iideeyaan, haseyeeshee waxa ka horyimaada caqabado badan oo aan la inkiri Karin oo ay ugu horreyso waxa soomalida la haray oo ah qaraabo-kiil iyo nin-jeclaysi ragaadisay gebi ahaanba horumarkii ummadeena, si kastoo ay tahayba waxa inala gudboon inaynu cirib tirno.

 

Gabo-gabadii qoraalkeygaan, waxa waajib inagu ah, isku duubni, midnimo, wadatashi, is caawin iyo in loo guntado sidii loo abuuri lahaa, waddininimo, soomaalinimo iyo midnimo, si ay markale usoo laabato Qaranimadeenii, sideynu ognahayna “Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan”

 

W/Q: Dr. C/raxmaan Aadam Ibraahim (Gambool)

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

there is one point i disagree with you apart from that you are right, when you said ha'adahu waxay ka mid yihiin horumar la'anta, anigu waxaan qabaa inay haayaduhu dadbanda ka faa idaysteen waxyaabo badanna u qabtay dadka reer miyiga ah, waxaan qabaa haayadahu door wayn yay ka ciyaareen bulshadeene. ee maaha arrinku iyagaa ina saameyay, haayad iyo haayad la'aanba hurumarku adigu kugu xidhanyahay, haayaduhu inagumay qasbin inay wax ina siiyan iyo inay wadanka soo dagaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Spartacus,

What the writer is focusing on is the over reliance on International NGOs and, the view that, educated Nomads working for them not doing their jobs with conviction.

 

In my opinion, NGOs are part of the problem in demolishing the confidenceof the educated folks who bravely stayed behind in the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this