Sign in to follow this  
Saalax

Confirmed: Yussur Abrar resigns from Somalia central bank position and exposes metal scrap looters

Recommended Posts

STOIC;984081 wrote:
This Malistar dude has no Xishoood? He first attempted to put. up a picture of some random lady to justify that the honorable didn't resign. We gave him benefit of doubt till the news is widely confirmed. Now he comes back with Professor Samatar conspiracy. The saint-like quality you want to paint for us is NOT there buddy. Try harder next scandal, but this one makes you look like a fool if you keep going on in defending the indefensible!

Waar sxb. This Malistar is probably Eng. Yarisow who always says: d"awladda waxaa ka go'an inay......". Scandal after scandal, where is the $12 million missing before this ?. The government never produced any evidence how the money was spent!. There are some indefensible facts on the table, though we are not short of many doctors of political spin in SOL!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

STOIC;984081 wrote:
This Malistar dude has no Xishoood? He first attempted to put. up a picture of some random lady to justify that the honorable didn't resign. We gave him benefit of doubt till the news is widely confirmed. Now he comes back with Professor Samatar conspiracy. The saint-like quality you want to paint for us is NOT there buddy. Try harder next scandal, but this one makes you look like a fool if you keep going on in defending the indefensible!

Waar sxb. This Malistar is probably Eng. Yarisow who always says: d"awladda waxaa ka go'an inay......". Scandal after scandal, where is the $12 million missing before this ?. The government never produced any evidence how the money was spent!. There are some indefensible facts on the table, though we are not short of many doctors of political spin in SOL!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Fadeexado Musuqmaasuq Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Soo Waajahay Guddomiyihii Baankiisa Oo Is Casishay Iyo Xogaha Ay Fashilisay

 

Published: Nov 3rd, 2013 at 08:21 PM

 

 

 

Hargeysa(Qaran news/FT)-Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Somaliya Marwo Yusur Abraar, oo dhawaan iska casishay xilkaas oo uu Madaxweynaha Somaliya uu u magacaabay 7, toddobaad ka hor ayaa banaanka soo dhigtay fadeexadaha sababay is casilaadeeda.

Yusur oo ah aqoonyahanad xilal sare ka soo qabatay Baanka Citbank ee caalamiga ah una dhalatay Somaliland, gaar ahaan gobalka Awdal, waxa ay xilka iska casishay iyadoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaanay Xasan Sheekh Maxamuud u soo dirtay dhambaal ay ku sheegtay sababaha iscasilaadeeda, waxaanay cadaysay musuqmaasuq ka jira dawladda Somaliya. Dhambaalka ay u dirtay Madaxweynaha Somaliya oo uu arkay Wargeyska caalamiga ah ee Financial times, waxa ku sheegtay in shaqadeeda lagu hayay farogelin. “Ilaa markii la I magacaabay, waxa si xidhiidh ah la iiga codsanayay inaan heshiisyo ogolaado oo aan jebiyo awoodayda wakaaladeeda ee aan u hayo dadka Somalida ee ah madaxa hay’adda lacagta Somaliya.” Ayay ku tidhi qoraalka ay Madaxweynaha u dirtay.

Heshiiskan ay diiday ayaa ah mid ay dawladda Somaliya la gashay shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Shulman Rogers, taas oo doonaysa inay soo wareejiso lacagta Somaliya kaga xayiran baananka adduunka, ka dibna ay ku wareejiso dawladda Somaliya. “Waxay khatar gelinayeen lacagaha dibadda ku xayiran, waxaanay albaabka u furayaan musuqmaasuq.” Ayay ku tidhi qoraalkeeda is casilaadda ah, waxaanay ku doodaysaa in lacagtaas si toos ah loogu shubo baanka dhexe ee Somaliya balse aan loo gacan gelin shirkadaas.

Waxa ay Yusur Abraaar, ka dacwootay in farogelin lagu hayay hawlaheeda shaqo ee ah madaxa baanka Somaliya, “Nasiib darro, baanka dhexe looma ogolaan inuu shaqooyinkiisa guto iyadoon la farogelinayn, noocan oo kalena uguma shaqayn karo hay’ad la aamini karo.”

Shirkadan Shulman Rogers oo ah hay’ad Maraykan ah, ayuu sidoo kale Xasan Sheekh dhawaan u kiraystay inay ka difaacdo fadeexado musuqmaasuq oo ay guddiga qaramada midoobay ee UN Monitoring group ku eedeeyeen, “Waxaan si cad u diidanahay inaan ogolaado heshiiskaas.” Ayay ku tidhi qoraalkeeda. Shirkadan Shulman Rogers ayaa waxay qandaraas hoose arrintan u sii siisay shirkad kale, waxaanay UN Monitoring group ku eedeeyeen inay warbixinteedu ahayd mid dacaayad ah.

Mid ka mid ah deeqbixiyayaasha taageera Somaliya ayaa Wargeyska Financial times u sheegay inay Yusur Abraar u baqatay nafteeda iskuna aamini kariweyday Somaliya, una carartay Imaaraadka Carabta ka dib markii ay cadaadisyo Muqdisho ka fuuleen.

Qoraalkan ay iscasilaadeeda ku cadaysay Yusur Abraar ee gaadhay warbaahinta caalamiga ahi, wuxuu fadeexad ku yahay dawladda Xasan Sheekh oo ay cadaatay inay ku dhex jirto musuqmaasuq baaxad leh, waxaanay meesha ka saari doontaa kalsoonidii ay beesha caalamku ku qabtay dawladiisa. Yusur, ayaa ahayd wejiga wanaagsan ee dhinaca xisaabaadka iyo maamulka lacagta ee uu Xasan Sheekh horgeeyay shirkii bishii September dawladiisa lacagta loogu ururiyay dhaqaalaha, kaas oo lagu qabtay wadanka Beljamka.

 

Geeska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this