Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Speaker Opens Construction On Galdogob And Galkayo 65 KM Paved Road. PICS VIDEO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo Xariga kajaray waddo laami ah oo iskuxiri dooonta magaalooyinka Galdagob & Gaalkacyo (Sawirro)

 

Caasimada Galbeedka Mudug ee Galdogob ayaa waxaa shalay kadhacay xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay waddo laami ah oo iskuxirta magaalooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo xafladda ayaa waxaa kasooqaybgalay wafuud aad ufarabadan oo kakalayimid meelo kaladuwan oo dalka ah.

 

Waxaana kamid ahaa wafuudaas Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta dawladda puntland Daahir xaaji khaliif wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland C/wali indhaguran gudoomiya kuxigeenka Gobolka mudug Axmed Muuse waxaa kale oo kamid ahaa dadkii xafladda goobjooga ka ahaa ugaas Cali ugaas Maxamed ugaas Cali Caaqil C/wahaab Maxamud Guray iyo dad kale oo farabadan..

 

Uguhorayntii waxaa xafladda furay Gudoomiyaha ururka Hadaf oo ah hay.ada dhismaha wadada gacanta kuhaysa C/qaadir khaliif Haashi waxaa uu warbixin kabixiyay soo bilaabitaankii fikradda dhismaha waddadan iyo marxaladaha ay soo martay waxaana uu C/qaadir sheegay in dhismaha waddadan ay kubixidoonto lacag gaaraysah 4.8milyan oo dollar waxana uushegay in inta badan lacagtan ay ka imaandoonto dadka degaan asaga oo codsi udiray dawladda Puntland iyo Dawladda somaliya iyo Hay.adaha caalamiga ah inay gacan ka gaystaan dhismaha waddadan.

 

Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha bulshada kaladuwan ee dadka deegaanka Galdagob ayaa sheegay inay naftooda uhuridoonaan dhismaha waddadan ayaga oo dhaliilay in ay banaantahay kaalintii Dawlaha Puntland iyo Somaliya ayaga oo codsaday inay gacan ka gaystaan dhismaha waddadan.

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa xafladda soo xiray madaxdii kasocotay dawladda Puntland gudoomiyaha baarlamanka C/Rashid Maxamed xirsi ayaa balanqaaday in dawladda Punland ay kaalinteeda ka qaadan doonto dhismaha waddadan waxuuna uga mahadceliyay dadka reer Galdogob dadaalka ay kubixiyeen dhismaha waddadan.

 

Sikastaba ha ahaatee dadka reer Galdagob ayaa in badan kutaamayay bilowga dhismaha waddadan haddii uu hagaago dhismaha waddadan aayaa waxa ay kaalin kaqaadan doontaa iskusocodka gaadiidka magaalooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo oo ay hadda bulshada reer Galdogob ay dhib ku qabaan waddada oo ah raf aad uxun oo ay baabuurto dhib kala kulmaan marka ay kusafrayaan. Galdagob aya galkacyo ujirta 65kilomitir ayaa waxa ay kuqaadataa gaadiidlayda inay ukala socdaan 5saac ilaaa 6saacadood waqtigaas oo aad ubadan marka la eego masaafada ay iskujiraan labada magaalo.

 

Hadda kahor ayay dadka reer Galdogob ay miinada kasaareen waddadan lafteeda qorshahaas oo ay lacag badan kubaxday kanna waa isku daygii labaad haddii lagu guulaysto waxaa uu waddada u xaarayaan mashaariic badan oo dadwaynaha somaliyeed ay aaminsanaayeen inaan shacab wax kaqaban Karin.

 

By; c/raxman xashi farax jabin

 

Furitaanka-Wadada-Galdogob.jpg

Furitaanka-Wadada-Galdogob-6.jpg

Furitaanka-Wadada-Galdogob-2.jpg

Furitaanka-Wadada-Galdogob-3.jpg

Furitaanka-Wadada-Galdogob-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this