Sign in to follow this  
xiinfaniin

Somaliland Fights to Retain a Vital Service

Recommended Posts

tedrossomaliland.jpg

 

 

 

Somaliland oo Ethiopia ka codsatay in duulimaadyadii diyaarada Ethiopia Airline dib loo furo iyo Ethiopia oo….

September 20, 2013 // admin1 // News

 

Wafdi reer Somaliland ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha dibada ee maamulka Somaliland Maxamed biixi yuunis ayaa saaka magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom.

 

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi ayaa wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia ka codsaday in dowlada Ethiopia ay dib ufurto duulimaadyadii shirkada diyaaradaha ee Ethiopia airline ku tagi jirtay deegaanada somaliland.

 

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom oo codsiga somaliland ka jawaabaya ayaa sheegay in arintan ay kala xaajoon doonaan jihooyinka ku shuqul leh iyagoo kala hadli doona suurtagalnimada in duulimaadyadii shirkada Ethiopia ee Somaliland dib loo furo.

 

Shirkada Ethiopia Airline ayaa ogaysiin la’aan halmar joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay deegaanada Somaliland.

 

Inkastoo shirkada Ethiopia Airline aysan sheegin sababta ay u joojisay duulimaadyadii deegaanka Somaliland ayaa hadana waxaa soo baxay warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in sababta shirkadu duulimaadyada ujoojisay ay la xidhiidho arimo nabadgelyo.

 

Dhanaan Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this