Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

BREAKING NEWS: Suicide attack in Kismayo

Recommended Posts

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in weerar ismiidamin ah oo loo adeegsaday baabuur lala eegtay Kolonyo uu la socday Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo goor dhow ku laabtay magaalada Kismaayo.

 

Sida ay sheegayaan wararka gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux naftii hure ah ayaa ku dhiftay kolonyada Axmed madoobe la socday oo marayay nawaaxiga Aargada.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay weerarka ismiidaaminta, iyadoo la sheegayo in ku dhowaad 10-ruux ay ku dhinteen qaraxa oo uu ku jiro nin Suldaan ah.

 

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in rasaas badan ay fureen ciidamada Maamulka Jubba oo rasaas badan furay, kadib qaraxa markii uu dhacay, kaasoo la sheegayo in qasaare badan uu dhaliyay.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo dhaawiciisa la geeyay garoonka Kismaayo, waxaana la sheegayaa inay suurta gal tahay in loo qaado magaalada Nairobi.

 

Isgaarsiinta guud ee magaalada ayaa hawada laga saaray, waxaana ay tahay mid kacsan.

 

Axmed Madoobe ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo saakay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this