Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland - Free Education Scheme Kicks Off. 200 Thousand Students Will Hit The Books For Free. GUUL

Recommended Posts

Dr_Osman   

93.jpg

113.jpg

 

Mashruuc waxbarasho lacag la’aan ah oo laga bilaabey deegaanadda Puntland iyo Sawirro

 

Deegaanadda Puntland waxa lacag la’aan wax ku baran doona ardey dhan 200,000 kadib mashruuc loogu magacdarey Aad Dugsiga oo si toos ah uga bilowdey maanta deegaanadda Puntland.

 

Xafladda furitaanka mashruucan ayaa maanta wasaaradda Waxbarashadda Puntland waxa ay ku qabatey magaaladda Garowe,waxaana goobtaasi ka dhexmuuqdey masuuliyiin ma talayey hay;adda UNHCR, Wasiiro,Xildhibaano,Maamulka Dagmada Garowe iyo Ardey lagu casumey furitaanka Barnaamijkan.

 

Ardaydda Puntland ee lacagta wax ku barta ayaa lagu qiyaasey 150,000 oo ardey,waxaana qorshuhu yahey in tiro intaasi le’eg oo waxbarashadda hoose oo lacag la’aan ah lagu kordhiyo,halka 50,000 oo ardey iyana isla mashruucan lagu bari doono xirfadaha gacanta.

 

Hay’adda UNICEF ayaa mashruucan ( GO TO SCHOOL) ka bilowdey dhamaan goboladda Soomaaliya,waxaana guud ahaan lacagta mashruucan ku kacaysa lagu sheegey 117 Milyan oo Dollarka Maraykan ka ah. Puntlandi Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ololaha Barnaamijka “Aada Dugsiyadda”" oo Lagu Daah-furay Garoowe [sawirro]

Comments (0) | Write Comment

 

Garoowe[RBC Radio] Waxaa maanta lagu daah-furay Xarunta Baarlamaanka Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Olole loogu magic daray Aada Dugsiyada oo loogu talagalay iney ka faa’ideystaan Ubadka Soomaaliyeed ee aan Waxbarashada helin.

 

Ololahaan loogu magic daray “Aada Dugsiyada “ayaa furitaankiisa,waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka,Wasiirada amniga,Maaliyada,Waxbarashada,Hay’adaha Caalamiga ah iyo marti sharaf kale.

 

Furitaanka Ololahaan,waxaa hadal kasoo Jeediyey Aggaasimaha Guud ee Waxbarashada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab,wuxuuna sheegay in Ololahan ay ka faa’ideysanayaan Carruur gaareysa 200,000 isla markaana 50-kun oo kamid ah loo Tababari doono Xirfadaha gacanta.

 

Aggaasime Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in Miraha kasoo baxa Ololahaan mudada uu socdo la filayo In:

 

01. Baahinta fursadaha Waxbarashadada dhammaan Carruurta gaartay da’da Waxbarashada isla markaasna wiilasha iyo gabdhaha si Is leeg iga Faa’ideysanayaan.

 

02. Xaqiijinta helitaanka Xuquuqda Waxbarasho ee ay leeyihiin Carruurta bannaanka ka taagan goobaha Waxbarashada.

 

03. Dhiirigelinta dhalinta aan shaqeyn iyo kuwa danyarta ah ,ka faa’ideysiga fursadaha Waxbarashada dadban iyo xirfado shaqo abuur leh.

 

04. Hagaajinta Maamulka Waxbarashadda iyo Dugsiyada iyo kor u qaadista Xirfadaha Maamulka iyo tayada Waxbarashada.

 

Mudane Maxamed Cabdiwahaab ayaa tilmaamay in Ololahaan “”Aada Dugsiyada” ay ka faa’ideysanayaan Ardeyda dugsiyada hoose dhexe 137,400 iyo Waxbarashada dhalinyarada 62,600 dhalinyaro ah.

 

Sidoo kale Furitaanka Ololahaan ayaa waxaa khudbado kasoo Jeediyey Madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland ka Caawinaya fulinta Ololahaan,waxayna dhammaantood soo dhaweeyeen dadaalka loogu Jiro in Carruurtu Iskuulku tagaan.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlay Ololaha ayaa sheegay in ay garab Istaagayaan Ololahaan Aada Dugsiyada isla markaana uu yahay mid Faa’ido ugu jirto Ubadka Soomaaliyeed.

 

Wasiirada amniga iyo Maaliyaada Dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan iyo Faarax Cali Shire ayaa usoo Jeediyey Carruurta iney sida ugu haboon uga faa’ideystaan Ololahaan mudada uu socdo.

 

Ololahaan Aada Dugsiyada ayaa si rasmi ah uga wada furmay guud Soomaaliya sida Muqdisho,Garoowe iyo Hargaysa,waxaana la sheegay in uu socon doono 2013-2016.

 

640x360xvlcsnap-2013-09-08-07h05m36s238.

 

What Xunjuf

640x478x100_9139.jpg.pagespeed.ic.MrvfLQ

640x478x100_9124.jpg.pagespeed.ic.Flfk3s

640x478x100_9136.jpg.pagespeed.ic.UFDrZ_

640x478x100_9140.jpg.pagespeed.ic.jNk30w

640x478x100_9143.jpg.pagespeed.ic.ftWJJg

640x478x100_9146.jpg.pagespeed.ic.nF_O9m

640x478x100_9149.jpg.pagespeed.ic.i3aMlz

640x478x100_9151.jpg.pagespeed.ic.o7K73i

640x478x100_9152.jpg.pagespeed.ic.a-S0qM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Where is Xunjuf to congratulate the state on the educational progress. Where are you Xunjuf come out of hiding and wish the best for the state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Ditoore why do fail to mention that this is the same aada dugsiyada program created and detailed by the SFG ministry of public services and specifically the Minister of Education Qassim?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

So someone finally slapped some sense into the women and has changed the slogan from Go to School to Aada Dugsiyada (I hope at least). But the question is, will she finally start speaking proper Somali when she's giving speeches?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this