Sign in to follow this  
malistar2012

Barnaamijka Higsiga Cusub ee (New Deal ) oo ka furmay magaalada Galkacyo (Sawirro)

Recommended Posts

Galkacyo, 20, Augst, 2013…..Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa ka furmay magaaladda Galkacyo, barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

 

Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galay dhamaan ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha sebteembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso.

 

Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya

 

“Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuuyiri Wasiirku.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmud ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

 

“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

 

Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku taageeraan baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”.

 

—DHAMAAD—

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congrats to the SFG for for holding such a conference

 

 

higsiga_1.jpg

 

 

higsiga_2.jpg

 

higsiga_3.jpg

 

 

higsiga_4.jpg

 

 

higsiga_5.jpg

 

 

higsiga_6.jpg

 

 

higsiga_7.jpg

 

 

higsiga_8.jpg

 

What happened i though Puntland Admin cut all ties with SFG or Farol is not in control of Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this