Sign in to follow this  
malistar2012

Salaad Cali Jeele oo Faroole si kulul u Weeraray Dowlada ku Dhaliilay Arimaha Jubooyinka MAQAL

Recommended Posts

Salaad Cali Jeele oo Faroole si kulul u Weeraray Dowlada ku Dhaliilay Arimaha Jubooyinka MAQAL

 

Salaad Cali Jeele oo Horay u ahaa Xildhibaanada Baarkamaankii KMG isla markaana Mar Soo noqday Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa Dowlada Soomaaliya ku dhaliilay qaabkii ay u wajahday Arimaha Jubooyinka.

Salaad Cali Jeele wuxuu sheegay in Arimaha Jubooyinka lagu Wajaho Siyaasad Dagan isagoo Xusay in Dowlada Soomaaliya qaab qaldan ay ku wajahdan Arimaha Kismaayo.

Dowlada waxaa ay aheyd in ay Dhax fariisato Odiyaasha Jubooyinka isla markaana ay siyaasad Dagan kula hadasho Axmed madoobe.

Salaad Wuxuu sheegay in Dowlada aysan Laheyn Awood ay kula Xisaabtanto AXmed Madoobe sidaasi Daraadeed Dowlada looga baahnaa in Wada hadal ay ku dhameyso Arimaha Jubooyinka.

Dhanka kale Salaad Cali Jeele wuxuu si kulul u Weeraray Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole isagoo sheegay in aysan Mudneyn in Faroole uu Xariirka u jaro Dowlada Soomaaliya wuxuu xusay in Faroole uu ku andacoonaya tastuurka oo la badalay hadii ay dhacdo in la badalo barlamaanka ayaa masuul ka ah.

Salaad Cali Jeele wuxuu sheegay in wax aysan uga furneeyn Faroole Tastuurka Soomaaliya go’aanka ugu danbeeya ay leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

http://balcad.com/wp-content/uploads/2013/08/Waraysi-Salaad-Cali-Jeelle-.mp3" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this