Sign in to follow this  
malistar2012

Banaan Bax Looga Soo Horjeedo Weerarkii Argagixisada Al Shabaab Ay Ku Qaadeen Shaqaale Turki Ah oo M

Recommended Posts

Dibadbaxani ee uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ka dhacay barxada weyn ee Taaladda Daljirka Daahson ee Degmada Boondheere ayaa waxaa lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka wado Caasimadda dalka, iyadoo lagu cambaareyay falkii argagaxisanimo ee kooxda dhagarta badan ee Al Shabaab ay ku weerareen xarun ay deganaayeesha shaqaalo Turki ah.

 

Shacabka ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo lagu taageerayo dowladda Turkiga, loogana soo horjeedo weerarada maleeshiyaadka Shabaab ay ku qaadaan shaqaalaha Turkiga, waxaana dadkii banaanbaxa ka qeyb galay ay gacanta ku wateen boorar ay ku qornaayeen erayo ka dhan kooxda argagaxisada ee Al Shabaab.

 

Sidoo kale Inta dibadbaxa uu socday waxaa goobta Heeso Wadani ah oo soo jiitay dareenka shacabka banaanbaxa kasoo qeyb galay ka qaaday fanaaniinta kooxda Hobolladda Waaberi oo goobta ku sugnaa kuwaas oo maanta dadka reer Muqdisho la qeybsanayay taageerada loo fidinayay dowladda Turkiga ee u soo gurmatay shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa u sheegay shacabka ku dhaqan gobolka in ujeedka Al Shabaab uusan eheyn shaqaalaha Turkiga balse uu yahay daminta muuqaalka soo wanaagsanaanaya ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Maxamud Axmed Nuur “Tarsan” oo banaanbaxa soo xiray ayaa sheegay in ujeedda Al Shabaab ay tahay burburinta rajada shacabka Soomaaliyeed iyo Caasimadooda ku talaabsaday dhanka horumarka, sidaasi daraadeed loo baahanyahay in Umadda Soomaaliyeed ay meel uga wada soo jeestaan kooxdaasi Qarandiidka ah.

 

Banaanbaxan maanta ka dhacay barxadda taaladda Daljirka Dahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa ahaa kii ugu balaarnaa oo lagu taageero howlaha gurmadka ah ee dowladda Turkiga ay ka wado dalkeena Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tarsan ”Siyaasiyiin iyo Shabaab ayaa diidan Jooji taanka Turkiga mana aqbali karno

 

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isagoo ka hadlayay dibadbax looga soo horjeeday Weerarkii Turkiga oo Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in Magaalada ay joogaan dad diidan joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya.

Tarsan wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab iyo Siyaasiiin diidan ay jiraan joogitaanka Shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho, arintaasina loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska kashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hadalkisa wata ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaaba y diidan yihiin Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Hormarka Caasimada.

Tarsan wuxuu sheegay in Qaraxyada Turkiga lala beegsaday kaliyah aysan fulinin Urrurka Al-Shabaan wuxuu sheegay in ay jiraan rag siyaasiyin ah oo ku howlan fulinta Falal lagu cabsi gelinayo shaqaalaha Turkiga.

HALKAAN KA DHAGEYSO HADALKA gUDOOMIYE TARSAN

hadalka Gudoomiye Tarsan ayaa ku soo beegmaya xili Maalmo ka hor gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo Ururka Al-Shabaab ay ku weerareen hoy Muqdhso ay ka daganaayeen Shaqaalaha Turkiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tarsan wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab iyo Siyaasiiin diidan ay jiraan joogitaanka Shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho, arintaasina loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska kashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen.

 

 

The Government needs to take action against spoilers in Mogadishu who are assisting Al shabaab , Arrest them Kill them or deportation . The Goverment needs to bring back Infamous salaad cali jeele .

 

 

jeele.jpg

 

The Gov needs to bring back salaad cali jeele as head of the security of Xamar , The man will clean the city instead of hiring ex alshaabab snakes

Share this post


Link to post
Share on other sites

banan-bax_turki_1.jpg

 

 

banan-bax_turki_2.jpg

 

 

banan-bax_turki_4.jpg

 

 

 

banan-bax_turki_8.jpg

 

 

Its time to show Unity , The Turks have done lot for Somalia .

 

banan-bax_turki_6.jpg

 

Who said Xamar is not Safe , denouncing alshabaab daylight with Music and dancing congrats .

 

 

banan-bax_turki_10.jpg

 

1 & 2 car bombing and suicide attacks are not going scare anyone in Xamar and will Not stop the Progress

 

Dibadbax2.jpg

 

Dibadbax9.jpg

 

Dibadbax13.jpg

 

 

dadkii waa bislaadeen enough is enough time to clean alshabaab out of Xamar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tarsan "Ha la ogaado waxa lagu mataanoobay ee Shabaab iyo Siyaasad isu keeney waa Muqdisho maxay u dhismeysaa"

 

 

Dibadbax3.jpg

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku tilmaamay weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho inay siyaasad daba socoto, kadib hadal kulul oo uu maanta ka jeediyay banaan bax ka dhacay Muqdisho.

 

Tarsan ayaa sheegay in siyaasad ay salka ku heyso weerarkii lagu qaaday Turkiga, isla markaana ay aheyd siyaasad mataanoowday ee ka dhaxeeyay Shabaab iyo dad uu ku tilmaamay siyaasiyiin sida uu yiri.

 

"Ha la ogaado waxa lagu mataanoobay ee Shabaab iyo Siyaasad isu keeney waa Muqdisho maxay u dhismeysaa, halkee ka timid colaada Turkiga loo haayo, arrintaas waa siyaasad"ayuu si kulul u yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Waxaa uu sheegay in dadka Muqdisho loo heysto sababta ay u nool yihiin, isla markaana la doonayo in dhibaatadii ay soo martay magaalada dib loogu celiyo.

 

"Aarrinta laga mataanoobay ee Cali Dheere iyo Godane iyo siyaasiyiinta ku jirta arrinta ee fanka kula jirta, hubka soo dhiibeysa ee jidadka soo marsiineysa, ee guryahooda dhigeysa ee qarineysa, ilaa meeshii laga qarxinayay u ilaalineysa waxay ka mideysan yihiin magaalada muqdisho maxaa looga shaqeynaya, maxay shacabka Muqdisho u nool yihiin"ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Muqdisho ammaankeeda sii xumaaneyso, isla markaana qaraxyo iyo weeraro xiriir ah ay ka dhacayeen tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this