Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Achievements 15 Years On. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

War bixin:-15-sano ee tagay Iyo Hormarka Puntland

 

15-sano ayaa laga jooga xilligii dhidibada loo taagay maamulk qaangaaray ee Puntland,kaas oo la aas-aasay 1-agoast sanadkii 1998.

 

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991,waxa dalka ka dhacay dagaalo isdaba joog ah oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,arrintaasi oo horseeday in umada Soomaaliyeed ay noqdaan Qaxooti marti u ah dalal shisheeye.

 

Waxa lumay haybadii ay umada Soomaaliyeed ku lahaayeen Caalamka,waxaana fashil ku dhamaaday shirar lagu doonayay in lagu heshiisiyo Somalida oo ka dhacay wadamada Masar,Jabuuti iyo Ethiopia.

 

Isimo,Culumaa’udiin,Waxgarad,aqoonyahan,Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada reer Puntland ayaa 15-sano ka hor is tusay muhiimada ay leedahay in ay samaystaan maamul Goboleed,kaasi oo gogol xaar u noqda dib u hanashada Qarankii burburay ee umada Soomaaliyeed.

 

Dadweynaha samaystay maamulka Puntland oo ka kala socday Gobolada Sool,Sanaag,Bari,Nugaal,Mudug iyo degmada Cayn ayaa 15-sano ka hor ku guulaystay samaynta Axdi KMG ah,Caasimada Puntland,Baarlamaan ka kooban 66-xubnood iyo Doorashada Madaxda Puntland,waxaana Madaxweynaha Puntland loo doortay ALLA ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed,hlka Madaxweyne ku xigeena loo doortay Maxamed Cabdi Xaashi.

 

Maamulkii ugubka ahaa ee Puntland ayaa suura-gal ka dhigay in uu dhismo Haykalka dowladnimo,xilli halka wax laga bilaabay ay ahayd Ban-Ka-Ood.

 

Madaxda Puntland oo gacan ka helaya qaybaha bulshda ayaa hormuud u noqday hirgalinta sharci iyo kala dambayn ka hana qaaday Puntland,waxana Dimuqraadiyada dadban ee ay ku dhaqmayeen ay saamaxday in Puntland ay yeelato Madax kala duwan oo ku imanayay hannaan Baarlamaani ah oo ku dhisan nidaam Beeleed.

 

Xukuumadihii ka horeeyay Xukuumada uu hogaanka u hayo D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ka soo baxay qaar ka mid ah waajibaadkii shaqo ee ay u igmadeen Bulshada reer Puntland,inkasta oo ay jireen waxyaabo badan oo aan hubanti u noqon in ay qabtaan.

 

Madaxweynaha Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku guulaystay in magaca Puntland gaarsiiyo meel fog oo aan horay looga aqoon Puntland,arrintaasi oo ku kasbaday Siyaasadiisa furfurayd ee kula macaamilayay Beesha Caalamka.

 

Reer Puntland ayaa door muuqda ka cayaaray hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya,ka dib markii shirar lagu heshiisiinayay dadweynaha Soomaaliyeed lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

 

In kasta oo abaal iyo mahad-celin aysan Puntland ka helin doorkii ay ka qaadatay hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya oo waqti iyo dhaqaale ay ku bixisay,hadana Puntland wali waxay u taagan tahay dib u helida Qaran Soomaaliyeed iyo hirgalinta Nidaamka Federaalka oo ay ku heshiiyeen dadweynaha Soomaaliyeed.

 

Dhexgal-Xusuusin, Xukuumadii ALLA ha u anxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed 1998 – 2004,Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi 2005- Jan 2009,Xukuumada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole 2009 ___?.

 

Waxbarashada Iyo Caafimaadka.

Hormar wannaagsan oo waxbarasho kama jirin Puntland 15-sano ka hor,hasa yeeshee dadaal dheer oo ay sameeyeen dadweynaha ayaa keenay in Puntland ay yeelato goobo Waxbarasho oo ka koobaan,Dugsiyo hoose,dhexe iyo sare,Machadyo iyo Jaamacado.

 

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa keenay Siyaasad cad oo uu ku hormariyay waxbarashada,waayo waxa la mideeyay Manaahijta Waxbarsho ee Dugiyada dhexe iyo Sare ee Puntland,waxaa deeqo Waxbarasho loo diray Arday reer Puntland.

 

Shirkii June 2013 lagu qabtay Muqdisho ee looga hadlayay Waxbarashada Soomaaliya ayaa Puntland loogu aqoonsaday maamulka ugu Waxbarshada wannaaagsan Soomaaliya,arrintaas oo ahayd guul wayn oo ay gaareen reer Puntland.

 

Waxa Puntland laga hirgaliyay Cisbitaalo waawayn,kuwaasi oo dadweynaha u fidiya adeegyo Caafimaad,xilli 20-sano ka hor adeegyada Caafimaad loo doonan jiray Muqdisho. Waxa xusid mudan in ay jiraan goobo Caafimaad oo loo leeyahay si gaara oo dadweynuhu ay dhiseen,taasi oo qayb ka ah hormarka Puntland.

 

Saxaafada.

 

15-sano ee jirtay Puntland Saxaafada waxa jiray koboc Warbaahineed,waayo waaxaa Puntland ka hawl gala Jaraa’ido,Websaydyo,Idaacado iyo Tv-yo la jaan qadaya Saxaafada Caalamka,waxaana tayada Suxufiyiintu ay noqotay mid kor usoo kacaysay sanadihii ugu dambeeyay.

 

10/Apri/2013 ayaa markii ugu horaysay ay Puntland yeelatay Raadiye,Tv iyo Websayd ku hadla afka dowlada Puntland,15-sano oo ay Puntland jirtay ka dib.

 

Waxa muuqanaya in hormar balaaran ay ku talaabsatay Saxaafada Puntland,in kasta oo ay jiri karaan dhaliilo loo tiirin karo bahda Warbaahinta.

 

Dimuqraadiyada.

 

Puntland markii la aas-saay waxay sameeyay Axdi KMG ah,axdigaas oo uu ka dambeeyay Dastuur qabya ah oo keenay khilaaf jiritaanka Puntland halis galiyay.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Xukuumada uu hogaaminayo waxay ku guulaysatay;-

 

1- Dib u eegida iyo ansixita Dastuurkii qabyada ahaa.

2- Samaynta astaanka iyo Calanka Puntland.

3- Samaynta Guddiga Doortasha KMG ah iyo xeerka ururada Siyaasada.

4- Ogolaansha Ururada Siyaasada iyo arrimo kale oo gogol xaar u ahaa Dimuqraadiyadii hakadka la galiyay.

 

14 July 2013 ayaa Madaxweynaha Puntland uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay Doorashooyinkii Golayaasha deegaanka Puntland,in kasta oo xusay in ay rajaynayaan in waqtigooda dib loo bilaabi doono.

 

Dhacooyinkaas taariikheed ee kor ku xusan waxay ina barayaan in meel wannaagsan oo horay looga sii wadi karo ay gaartay Dimuqraadiyada Puntland,marka loo fiiriyo halkii Puntland ay wax ka bilowday.

 

Fanka Iyo Cayaaraha.

 

Burburkii Soomaaliya ka dib iyo aas-aaskii Puntland ka hor Fanka iyo Cayaaruhu door muuqda kuma lahayn arrimaha Bulshada Puntland,hasa yeeshee sanado ka dib horusocod ka wannaagsan halkii ay markii hore joogeen ayaa laga dareemayaa.

 

Waxa Puntland ka dhismay Naadiyo kubadda Cagta ah oo heer degmo iyo Gobol ah,waxaana marka laga hadlayo Cayaaraha qof kasta maankiisa kusoo dhacaya Cabdulaahi Sheekh Iyo Marxuum Boobe oo ka mid ahaa dadkii soo nooleeyay kubada Cagta Puntland.

 

December 15, 2010 Puntland ayaa 22-sano oo uu dalku burbur ahaa ka dib marti galisay tartanka Cayaaraha Gobolada Soomaaliya oo ay ku baratameen 15 Gobol.

 

In kasta oo Puntland ay ka jiraan naadiyo Kubada Cagata ah,hadana naadiyadaasi taabeero iyo aqoonsi kama helin Guddiga Olombikada Soomaaliya oo Barnaamijyadooda ku koobay magaalada Muqdisho.

 

Markaynu eegno Fanka Puntland 4-tii sano ee ugu dambasay wuxuu lahaa bilow wannaagsan,oo mari kara wadada hormarka,waxa Puntland ka aas-aasan Fanniin ku bahoobay magaca ‘’Xidigaha Puntland’’,kuwaasi oo uu hormuud u yahay Abwaan Shube oo ka mid ah Abwaaniinta caanka ah ee Soomaalida.

 

Hormarinta Fanka Iyo Warbaahinta dowladu waxay door muuqda mustaqbalka ka cayaari karaan Wacyi galinta,guubaabin iyo dhiiri galin dadweynaha reer Puntland.

 

Jidda-yarey.

Marka aad aragto cinwaanka sare ee Jidda-yarey waxaa hubaal ah in aad is waydiinayso halka ay ku taal Jidda-yarey oo ay suura-gal tahay in aadan horay u maqal.

 

Dadkii kasoo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee Puntland ay marti galisay waxay u qaybsameen dad ku negaaday Puntland oo amaan iyo shaqo ka helay iyo kuwo uga sii talaabay wadanka Yaman oo ay uga sii gudbeen wadanka Sucuudi Areebiya,kuwa u Tahriibay Sucuudi Areebiya ayaa waqtigaasi u shaqo doonan jiray magaalada Jidda ee wadanka Sucuudi Areebiya.

 

Mid ka mid ah dhalinyaradii kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo diiday inuu Tahriibo ayaa la yaabay Ganacsiga xorta ah ee barakaysan ee yaala Puntland,wuxuu muddo kooban ku noqday nin haysta dhaqaale aad u badan,isaga oo dhalilsan dhibaatada Soomaalida ka haysatay Tahriibta Sucuudiga,lana dhacsan Ganacsiga iyo hormarka yaalay Puntland ayaa yiri’’..Adi’oo Jid idin eh haysta,may ka fadaase dhibaate jid wayn’’,oo afka maxad tiri hadaan ku qeexo macnaheedu uu noqonayo’’Adigoo jidda yarey haysta,maxaad ka doonaysaa dhibaatada Jidda waynay’’.

 

Akhriste haddii aas-aaskii Puntland ka dib,Puntland ay noqotay goob loo soo shaqo tago oo Ganacsi xor ah uu yaal,dadkii usoo Brakacayna ay u bixiyeen Jidda-yarey,maxaad ka filaysaa 15-sano oo ay jirtay Puntland,heerka uu gaaray Ganacsigu.

 

]b]Waxa xusid mudan in ay dhismeen magaalooyin waawayn oo ay yeelatay Puntland,waxana ka mid ah kuwa lagu faani karo Bosaso,Garowe,Gaalkacyo,Qardho iyo magaalooyin kale.[/b]

 

Gabo-gabo.

Aan u daadago soo afmeerida qormada,dad badan oo daalacday Qormadan ayaa oran doona,muxuu qoraagu ugu soo dari waayay Qormadiisa waxyaabaha aan suura-galin in la qabto 15-sano ee tagay,hasa yeeshee waxaan leeyahay’’ Xaasha-e nin libin kaa xasdiyay, xumihii waa yaab’’.

 

Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.

Qoraa iyo falanqeeye arrimaha Soomaaliya.

qalabadyare@gmail.com..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yet, Sool, Cayn and most of Sanaag, there is no presence of "Puntland". This Thread is insulting Beelihi wax ka dhisay Puntland in 1998. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Classified war orood, xasidnimo ba ku dishay. War Puntland way horumartay jeclow ama diid waa hawl ku yaal

 

Garowe

141.jpg

251.jpg

 

Qardho

images?q=tbn:ANd9GcTpYZRNqNshKm58W0IMuZi

 

Galkayo

 

 

Bosaso

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

You are so silly classified adigu intad la ordaysid hargaysa anigu toban magaalo dhisan baan la ordaya, sida loo kala wayn yahay ba loo kala sumcad badan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was just clarifying what Puntland consisted of. "North Mudug, Nugal and Bari". You just posted that. Bosaso (Bari), Qardho, Garowe (Nugaal) and Galkacyo (Mudug). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

mmmkk.jpg

 

Dhageyso: Sanadguuro wacan umadda Puntland

31 Jul 31, 2013 - 1:54:21 PM

 

GAROWE ONLINE

 

Warsidaha Garowe Online waxa uu dhamaan umadda reer Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu hanbalyeynayaa munaasabada sanadguurada 15-aad ee ka soo wareegtey asaaskii Puntland oo ku beegan maalinta beri ah.

 

Maalinta ugu horeysa bisha August sanad weliba ayaa si fiican waxa uga dheregsan dadweynaha reer Puntland,waxana ay kaga taala meel gaar ah maadaama ay tahay markii ugu horeysey oo lagu dhawaaqo Dowaldda Puntland ee Soomaliyeed iyo weliba maamul goboleed Federaal ah oo u taagan midnimada dalka.

 

Ujeedooyinkii loo asaasey Puntland waxa la oran karaan maanta si fiican ayay dhabaheeda u haysaa hadii aynu eegno horumarka ay ku talaabsatey iyo kaalinta ay ka qaadatay in dalka KMG-nimada looga saaro.

 

1998 markii la asaasey oo madax looga dhigey Allaha u naxariistee Col.Cabdilaahi Yuusuf Axmed waxay dowladiisu ka soo bilwdey waxba ,xarumihiisa dowladda ayaa la dhisey ,ciidan ayaa la qorey ,dakhliga dalka ayaa la qoondeeyey waxana taageero iyo taakulo la weydiistey hayadaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibka.

 

Intaasi oo dhan kama marneyn taageerada iyo baahida dadweynaha ku dhaqan Puntland ay ku qabeen nabad ,xasilooni iyo in maamul la helo kala danbeyntii iyo nidaamkii dowaldnimo ee lumey soo celiya.

 

Idaacada Radio Garowe ayaa barnaamij gaar ah ka diyararisay Puntland 2010-kii oo dib ugu jaleecday asaaskii iyo dhabadii loo maray dhismaha Dowladda Puntland..

 

Puntland waxa la oran karaa 14 sanno kadib waxay u rumowdey riyadii ay ku taameysey waxana ay joogtaa boos aan lagu xasdi karin oo aan ku iman dheel dheel iyo barqo sookac balse uu dhiig iyo dhiba loo marey sidii loo adkeyn lahaa midnimada iyo isku duubnida dadkeeda iyo dalkeeda.

 

Dareenka farxdeed ee loo qabo bilowga August2012 ayaa dadweynaha Puntland ay ka simanyihiin ,waxaana tan iyo asaaskii soo marey saddex maamul oo mid kasta dheef iyo dhaliil ba lahaa balse qaan-gaarka dowaldda Puntland ayaa laga simanyahay xuskeeda maadaama 15 jirku gu'u mooyee garaad u harin.

 

Shabakada Garowe Online akhristayaasheeda hadii Eebe idmo waxay ka hagab tiri doontaa sawirada iyo wararka ku saabsan xaflada sanadguurada Puntland oo Garowe ka dhici doonta.

 

Halkan ka dhageyso Barnaamijka Asaaska Puntland ee diyaarisay RG

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dhageyso_Sanadguuro_wacan_umadda_Puntland.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;971563 wrote:
Classified manta wa malin wayn, no muran no dood. Only posting the achievements this state has made to remind everyone

What achievements? Puntland went from 6 Gobols down to 3 Gobols. Is that an achievement? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Mad_Mullah;971582 wrote:
Mashallah, after 200 years they will be like Djibouti today.
:D

Mullah malmahan waad ku kibirtay Puntland. Cayda noocas ah uu geey snmta oo 22 years marayo oo weli wasarado dhisayo. Puntland ceebtas malaha waa 15 years old.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It's both the name of the country and the capital. Dr. Osman some people here have claimed I'm anti-HAG or a hater. I have to show them that I criticize everyone before they ban me. lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Congratulations Puntland.

 

Dotorre, any ideas which direction Puntland should take in future? In terms of geographical frontiers, politics in Somalia, internal policies, in case Somalia adopts semi-decentralizes State under Federalist pretext?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Carafat, Thank you and it is good to see your being mature and not being a xasid aganist the state 15 year progress. As far as politics is concerned, I don't want to see Puntland split from Somalia because it will just mean another set back for the nation. But as far as geographical frontiers is concerned i want to see the state form strong ties with jubbaland and also reclaim laska. As for internal politics in the next presidency, I want to see the multi party politics re-started again and done properly. I want our elections in 2018 to be a free democratic one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this