Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Businesses Investigation Report Finds Major Room For Improvement

Recommended Posts

Dr_Osman   

Warbixin: Ganacsiga Gobolada Puntland

Last update 27-07-13

 

Gobolada Puntland ee dhaca waqooyibari somalia oo ah 3 qaybood qayb kamida somalia ayaa waxay yihiin Gobolo Nabad ah Ganacsiguna si xowli ah uu ogasocdo hadii ay ahaan lahaayeen dhoofinta waxyaabaha dhulkeena kasoo Go,sida Beeyada xijida fooxa luubaanta maydiga kaluunka hargaha & xoolaha nool IwM ayado Goboladaas looso waarido macayshada daruuriga iyo qalabka dhismaha Guryaha dharka iwm inkasto dhamaan dalkeena waxa yaal badankiisu dibadda laga keeno ,waxaa jira in xoolaheena ay Carabtu ugu baahantahay sida maraykanku shidaalka Carbeed ugu baahanyahay, xoolaheena oo lacag adag lasiistaana waxay kuxirantahay hadba sida loo dhaqaaleyo dharagtooda iyo caafimaadkooda Deegaanada Puntland waxaad ku arkaysa Liin dhanaanta oo la dhoofinayo ayado dubai IYo carabaha loo iib gaynayo maadaama aan warshad looga faaidaysto dalka ku oolin ,Liin dhanaanta ayaa si yaabo kaladuwan oon lasoo koobi karin looga faidaysta ,ayado cabitaano kale lagu darayo ,ayado maadada dhanaanka wax walba oo ubaahan lowgu isticmaalayo hab warshadaysan.

Waxsoo saarka Beeraha Puntland

 

Dhulka Puntland ayaa ah dhul kuwanaagsan wax soo saarka Beeraha lakiin in muddo ah ayaa dadku waxay ka aaminsanaayeen inaan waqooyibari Somalia waxba kabixi Karin taaso shacabka Ree PL badankiisu uu aaminsanaa ayadoo 10 kii sano ee udanbaysay arintaasi ay meesha kabaxday markii dadku u kaceen wax beerida dalagyada kaladuwan IYo,qudaarta noocyadeedaba waxaan ka ahayn baradhada Potatiska oo ayadana lowgu jiro sahan qaabka ugu haboon ee dhulkeena loogaso saari karayo habkastaba haloo maree ,baradhada oo dhulka oromia kaga timaada PL si Export ah mooye inta kale wala beerta hasayeeshe waxaan jirin Dalad iskaashato beeralayda Puntland waxa jira dalado Teel teel ah oo Gobol Gobol ah balse talad guud oo Qurbaha Iyo gudaha ah maalgashi beeraha ah Iyo tacabka beeraha lagufashaba soo waarida ayaan jirin Taas badalkeeda waxaa jira Wasaarada beeraha PL oo awoodeedu iska koobantahay wixii Hayaduhu ugu deeqaana beeralayda uqaybisa ,waxaa jira dhul beereedyo badan oo siwanaagsan looga faaidaysan lahaa Gobolka Bari balse Hayaduhu beerahas dadkii laha ugu deeqeen geed timir qudha micnaha kadanbeeyana aan lafahansanayn beerahaas oo aadan ku arkayn geedaha kale ee wawayn wax soosaar IYo muhiimadna lahaa sida canbaha saytuunka Liin bambeelada Liin dhanaanta IWM ,waxaa jira Dhul badano waxkasoo go,aan oo deegaanada Puntland ah hasayeeshe baahida Puntland aan *****li karin ayado wali Qudaarti ay ka imaanayso Koonfurta somalia ayaan waxaan oron karnaa Puntland kama Gaarin wax isku filnaansho ah xaga wax soosaarka Beeraha ayado loo baahanyahay in ganacasatada IYo Qurbajoogta aqoonyahanka ahba ay arinkaas xooga saaran una iftiimiyaan shacabka si isku filnaansho deegaaneed loo gaaro qurbajoogtuna ay xooga saarto wax soo saarka tacabka beeraha maalgalintiisa ayagoon kawaayayn PL dhul Beereedyo ay wax kasoo saartaan dhanka kale Hadii aad aaminsantahay inaan PL wax kabixi karin waxaad eegta oo tusaale kugu filan dalalka Caalamka meelaha ay beertaan Sida saxaraha suudan oo Greenland china kadhigtay saxaraha siinay masar , Yaman IYo Kuriya oo buura dushood beerta ,halka dhulkeenu leeyahay Durdurro biya ah IYo dhulbeereed hegterskiisu badanyahay

 

 

Warshadaha yar yar ee Puntland

 

Waxaa jira warshado yaryar oo Puntland kuyaal Yaala si Pravet ahna loo leeyahay inkastoo badankoodi ay kaceen kadib markii ay Qaarkood waayeen wax taageero ah ayey si iskood ah ukaceen , warshadahaas waxaa kamid ahaa warshadii baastada Bosaaso warshadi Cabitaanka Qardho warshadii Saabun Qubaysta Bosaaso IYo kuwa kalo badan halka warshadaha biyaha sifaysan ay noqdeen kuwo farabadan layskagana daba dayday magaaloyinka wawayn maxuma in biya sifaysan magaalo kasta heshaa lakiin waxaa jira caado somalidu leedahay oo la isku daydo ,dhinaca warshadaha yaryar marka laga hadlayo faaidada dalka iYo dadkaba uleh waxaan oron karaa Puntland waxaa oga badan Gobolada Jaarka nala ah ee somaliland markaad eegto Burco & Hargaisa waxad ku arkaysa warshado yaryar oo badan dadkuna ushaqa tagaan ,sida warshada saabuun marista warshada oomada warshada CoCa Cola and Pepsi warshada Buskudka ,IYo kuwa kaloo badan Dadkuna shaqo IYo faaidaba kahelayo ,loona baahanyahay RUgta Ganacsiga Puntland inay kudhiiragaliso ganasatada Puntland inay arintaas kana faaidaystaan dadkana oga faaideeyaan ,

Waxaan shaki Kujirin hadii ay iskaashadaan ganacsatada Iyo maamulka Puntland IYo wadamada Donerska Deeq bixiyayaasha oo deegaanada PL lakeeno 4 warshadood oo wawayn 4ta magaalo ee wawayn Bosaaso Qardho garowe Galkio shaqaale ah 300 na uu warshad walba u kalaho in deegaankeenu uu Horumari lahaa kana bixi lahaa shaqala,aanta baahsan Iyo wax soosaar la,aanta kajirta Puntland ,waxa jirta warshad baastada ree PL oo Cumaan taal Rosa halkaaso macayshada lagaso raro looso waarido PL ,waxa dalku kujiraa xiligii badxiranka waxaan kahayn Badda Cas Bosaaso ayadu wa furantaha si Caadi ah ayeyna howlaheedu usocdaan xiligaaan xagaaga ,

Puntland Papulations 2013

 

Kororka bulshada Puntland aYaa ah mid siwacan u koraya war bixintii dhawaan ay soo saartay UN ayey waxay ku cadaysay in Gobolada Puntland ay Kadad badanyihiin somaliland Taas oo ah arin marag madoonta waxaadna ku arki kartaa arinkaas markaad tagto labada deegaan ba halka PL degmadu Gobol u qalanto tuula kastana degmo ayaad ashqaraaraysa deegaanka somaliland aya dadku ku egyahay burco iyo hargaysa inta kale dhulku wa banaan dad majiro berbera sheikh Iwm ,Puntland ayaa ah meesha ugu waxbarashada wanaagsan somalia amaana ah waana meesha ugu caafimaadka wanaagsan somalia ,dhismaha guryaha iyo hotels ka ayaa ah kuwo koror badan samaynaya sanadba sanadka kuxiga ,magaala kasta waxay leedahay Biya galin degmo ilaa tuulo ,waxaad arkaysa tuulada oo leh matoor riig laga cabo kadibna tuubooyin dhulka maraya oo biya galin ah siinaya xaafada tuulada ama degmada biyahaaso xareed lamood ah aanan ka go,ayn ,

 

Sicir Bararka kajira Puntland

 

Waxaa jira sicir barar baahsan oo kajira Puntland kaas oo saamayn wayn kuyeeshay deegaanada Puntland Iyo horumarkii umadda ,sicir bararkaan ayaa kadhashay waxyaabo isbiirsaday oo ay ugu horayso lacagtii shilin somaliga ahayd oo gabaabsi ah ,lacago faalso ah oo lagu sameeyo tuulada Cadaado ee Gobolka Gagaduud oo PL kazoo galaya dhanka koonfurta lacagtaso kun sh, s ah ,,Qiimo Go,an oo aan sarifka lacagaha qalaad udagsanayn Iyo sariflayaasha Puntland ayagoon lahayn Maney Ex change ay kumidaysanyihiin xawilaad lacagaha sarifta qiimo dajin aan kajirin dalka maney Restraction shacabkii oo doollarka sida lacag somaliga ugu kala ganacsanaya Bank dawlada Puntland oo aan jirin ,lacagta shilin somaliga ah oo Puntland laga rarayey in muddo ah kadib markii xamar ganacsatadii ay waayeen lacag Somali ay dollarka ku sariftaan Iyo macayshada quutul daruuriga oo noqotay high Price ,sicir Bararka ayaa yimid bilihii lasoo dhaafay markii xamar lacagta somaliga laga waayey oo deegaanada PL looga raray lacag Somali si sariflayaasha muqdisho oga faaidaan ,ayaa lacag yari so wajahday kuwa deegaanka halkaaso awal boqolka dollar 3000000 sadex malyan ,sh, s, ah lagugu sarifayey manta lagu sarifayo 2000000m sh.s. laba Malyan Doollarku wa dhacsanyaha Bisha barakaysana macayshadii qaali bay sii noqotay m,sh, s, ah , arinta sicir bararka Puntland ayaan wax talaabo ah laga qaadin maamulkuna uusan hayn qorshe wax looga qabanayo arintaas IYo Dood lagayeeshay ba ,

 

Maaha wax lala Yaabo inaad adoo faqiir ah dharagto

balse waxa wax lala Yaabo ah in adoo faqiir ah aad dhimato

 

Oraahdi BiLL Gate

 

WXQ Maxamed axmed Busur

 

Askar2004@hotmail.co

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this