Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Jazeera estate project 1200+ new villas/apartments

Recommended Posts

Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri.

 

Xaafadda looga dhawaaqay hirgelinta mashruucan cusub ayaa laga sheegay in dhismayaaashan ay isugu jiraa deegaan, ganacsi, masaajidyo, kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare ah ayaa waxaa maal-gelinayay ganacsato Soomaaliyeed.

 

Bandhigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Gabeyre, dad ajaaniib ah, maal-gashatayaal iyo ganacsato Soomaaliyeed.

 

Maamulka shirkadda dhul iyo guri Real Estate Ltd, Maxamed Cabdi Marteello oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in dhismaha Jazeera Estate uu yahay mashruuc cusub oo ka faa'iideysan doonaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay maal-gashan karaan, isla markaana mashruucan uu u furan yahay cid kasta.

 

“Waa arrin u furan cid walba inay iska diiwaangeliso inay dhismayaasha ku sameysato maal-gashi,” ayuu yiri Marteello oo sheegay in qof walba uu ka heli doono wuxuu uu daneynayo.

 

Sidoo kale, Mateello wuxuu sheegay in mashruucan uu billaaban doono labo bil gudahood, isagoo xusay in dhismayaasha ay ka mid noqon doonaan kuwo hoteello ah, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay iibsan karaan ayna kiro ku degi karaan.

 

 

Mashruuc_Jazeera_6.JPG

 

Mashruuc_Jazeera_1.JPG

 

Mashruuc_Jazeera_9.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

home-map.jpg

 

DHISMAYAAL ISKU DHAF AH

DEEGAAN & GANACSI

MIXED USE RESIDENTIAL & COMMERCIAL

Jazeera Estate waa xaafad cusub, casri ah, iskeed u taagan, amnigeedu sugan yahay, 3km oo keliya u jirta garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusman, Muqdisho.

 

Jazeera Estate wuxuu ka kooban yahay guryo la dego, goobo lagu ganacsado, kuwo lagu cibaadeysto iyo kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare leh.

 

Jazeera Estate waxaa ku dhameystiran dhammaan adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogto ah, teleefoon & internet, iwm.

 

Jazeera Estate waa xaafaddii ugu horreysay Soomaaliya oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogto ah uga shaqeeya sugista amniga, maareynta goobaha danta guud sida masaajidyada, waddooyinka, goobaha carruurtu ku ciyaarto, xaddiiqadaha lagu nasto, bilicda iyo nadaafadda guud ee xaafadda sida qaadista qashinka, nadiifinta goobaha danta guud, dhireynta iyo wada noolaanshaha.

 

http://www.jazeeraestate.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mad_Mullah;967993 wrote:
What other projects have they done before?.

Their latest project i know of was the oriental hotel

 

406934_299499803493941_224457916_n.jpg.

 

A lot of people are claiming that they will build villas in Mogadishu

The construction is starting in August Inshallah so its not just ''claims'' its both foreigners and somalis who are investing in this project. Lots of stuff happening in the city cant wait till the next 5-10 years

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this