Sign in to follow this  
Daqane

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno Taageersanaa oo si qarsoodi ah kaga baxeen Degmada Baarawe

Recommended Posts

Daqane   

Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan inuu si qarsoodi ah uga baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa.

 

Shabakad taageerta Al-shabaab oo lagu magcaabo Somalimemo ayaa war ay maanta baahisay ku sheegtay in ilo wareedyo ka tirsan Al-shabaab ay u xaqiijiyeen in Sheekh Xasan Daahir iyo xubno ka tirsanaa Xisbul Islaam ay laba habeen ka hor si dhuumaaleysi ah uga baxeen Baraawe, iyagoo maray dhinca badda, lamana oga halka uu aaday.

 

Ilaha Al-shabaab ka tirsan ayaa sheegay in bixitaankiisa aan laga warhayn uuna si qarsoodi ah ay isaga iyo xubnaha wehliyay kaga baxeen degmada Baraawe oo Khamiistii lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaal u dhexeeya koox isaga taageerta iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

 

Wararka ayaa sheegaya inay jireen wadahadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay Sheekh Xasan Daahir iyo xukuumadda Qatar, kuwaasoo qorshahoodu ah in wadahadal loo furo dowladda Soomaaliya iyo hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam.

 

Sidoo kale, wararkan ayaa sheegaya in la doonayo in Sheekh Xasan Daahir loo dhoofiyo dalka Qatar, iyadoo la xusuusto in afhayeenkii hore ee ururka Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin uu laba sano ka hor ka sheegay degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug inay wadahadallo la furayaan dowladda Soomaaliya ayna ka goosteen Al-shabaab.

 

Inkastoo mas’uuliyiinta sarsare ee Al-shabaab aysan ka haldin ka bixitaanka Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socda degmada Baraawe ayaa waxay haddana horay u sheegeen inay jiraan xubno ururkooda ka tirsan oo kasoo horjeeda dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada ay taageerada ka helaan oo ay AMISOM ka mid tahay.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha uu hoggaaminayo ay aadeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, balse warkaas ma ahan mid si dhab ah loo xaqiijiyay.

 

Sheekh Xasan Daahir oo horay u ahaa hoggaamiyaha ururkii Xisbul Islaam ee burburay oo ugu dambeyna ka mid noqday Al-shabaab ayaa lagu xusuustaa inuu dhowr jeer oo hore ka hadlay dilalka ay Al-shabaab u geystaan shacabka iyo mowqifyadooda adag, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo aan wanaagsanayn.

 

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore uu dagaal u dhexeeya xubno uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir ay Baraawe kula dirireen xoogag ka amar-qaata hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaana Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Wararkii ugu dambeeyey xiisadaha ka taagan gobolka Mudug oo uu gaaray Shiikh Xasan Daahir Aweys

 

Wararka naga soo gaaraya degaano u dhexeeyo degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamo uu wato Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shalay halkaas gaaray iyo kooxo la sheegay iney burcad badeeda ka tirsan yihiin.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo labo habeen ka hor dooni kaga soo baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa gaaray degaanka Faax ee hadda xiisadu ka taagan tahay, ka dib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay rag uu isagu ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-Shabaab.

 

Inkastoo aysan jirin hadal ku aadan arintan oo ka soo baxay Al-shabaab ayaa haddana warbaahinta taageerta kooxdaas waxay sheegeen in Xasan Daahir uu ka goostay Al-Shabaab uuna ku wajahan yahay dhinaca dowlada dowlada Somalia, iyagoo sheegay in mudooyinkanba uu jiray xiriir u dhexeeyey isaga iyo dowlada Qadar.

 

Warbaahinta taageerta dowlada Somalia ayaa iyana sheegtay saaka in Xasan Daahir iyo ciidamo uu wato ay ka tageen degaanka Faax ayna gaareen degaanka Qosol-tire oo ku dhow degmada Hobyo halkaas uu kula kulansan yahay odayaasha qabaailka, hase ahaatee ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya.

 

 

Lama oga illaa hadda halka Shiikh Daahir Aweys uu doonayo inuu ugu dambeyn tago iyo inuu bedeli doono mowqifkiisii siyaasadeed ee ku aadanaa dagaalka lagula jiro dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in Shiikhu raadsanayo goob amaan ah oo dayuurad ka raaco si uu ugu u gaaro dalka Qadar.

 

Ciidamada maamulka Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey ka dib markii ay degaankaas gaareen warar sheegaya in Xasan Daahir iyo ciidamo uu wato ay ku sugan yihiin tuulooyin u dhow Hobyo, iyadoo dadweynaha ku dhaqan degmadaasna ay saaka si weyn u hadal hayaan arintan.

 

Ciidamo ka amar qaata amiirka Al-shabaab ayaa Khamiistii la soo dhaafay gaaray degmada Baraawe oo ay ku xooganayeen saraakiil ka soo horjeeda oo uu ku jiray Xasan Daahir Aweys, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo labada dhinac uu khasaare ka soo gaaray, isla markaana lagu xirxiray saraakiil badan, taasoo keentay in Shiikh Xasan Daahir ii degaankaas ka baxsado.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this