Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenyan governemtn to increase security forces inside Somalia (Jubbaland)

Recommended Posts

Dowlada Kenya oo kordhineysa awooda ciidamada ka jooga deegaanada Jubbaland

 

Jun 21, 2013 -

 

War saxaafadeed laga soo saaray wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya iminka diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso saraakiisha ciidamada dalka Soomaaliya si amaanka magaalooyinka muhiimka ee dalka Soomaaliya amaankooda loo sugo.

 

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM eek u sugan Soomaaliya aay sii wadi doonaan dadaalada ay sheegeen inay nabad kaga dhaliyaan Soomaaliya oo raadineysa.

 

Wasaarada arimaha dibada dalka Kenya ayaa weerarada ka dhacaya Soomaaliya ku tilmaantay kuwo ku yimaaday xil iska saaris la’aan sugida amaanka Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.

 

Waxaana war saxaafadeedka lagu dhaleeceeyay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta hay’ada Barnaamijyada hormarineed u qaabilsan Qaramada Midoobay eek u taalo Magaalada Muqdisho,iyadoo Kenya tilmaantay inay la qeybsaneyso dhibta ehalada dadkii waxyeelada soo gaartay.

 

Kenya ayaa ka wal walsan dhibaatooyinka amaandari ee ku sii baahaya Soomaaliya,waxayna ka murugooneysa geerida shaqaalaha ajaaniibta ah eek u dhintay weerarkii ka dhacay UN-ka Muqdisho.

 

Ugu danbeyntii dowlada Kenya ayaa beesha caalamka ka codsatay in Soomaaliya laga taageero Sidii amaanka guud ahaan dalka loo sugi lahaa,waxayna Kenya adkeysay dagaalada lagula Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this