Sign in to follow this  
Daqane

War Deg-deg Ah: Axmed Madoobe Iyo Wafdi U Badan Saraakiil Oo U Kicitimay Itoobiya

Recommended Posts

Daqane   

16062013132909.jpg

 

Waxaa daqiiqado ka hor garoonka Kismaayo ka duulay Wafdi uu Hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyaga oo ku wajahnaa Magaallada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.

 

Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbalan kuwaasoo aan la garaneynin Ujeedka ay ugu ambabaxeen Dalka Ethiopia.

 

 

 

Waxan Ilaa hadda la garaneynin sababta ka dambeysay Socdaalka Hoggaamiyaha Raaskambooni iyo Saraakiisha Ururka, waxa ayna wararku sheegayaan in Dowladda Ethiopia ay kala hadlayaan Sidii ay Dowladda Somalia kala hadli laheyd Aqoonsiga Maamulka Jubbaland.

 

 

 

Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiinta garabkiisa ayaa waxa ay muddooyinkaasi safari ku kala bixinaayen Dowladaha dariska la ah Somalia, oo ay ugu horeysay Kenya waxa uuna socdaalkooda daba socdaa Socdaalkii ay Kenya ku gaaren.

 

 

 

Ugu dambeyntii, Socdaalka uu Axmed Madoobe ku gaarayo Magaallada Addis Ababa ayaa waxa uu noqonaaya socdaalkii ugu horreeyay ee uu Axmed Madoobe ugu ambabaxo dalka Itoobiya tan iyo markii xilka loo doortay horraantii bishii la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this