Sign in to follow this  
Daqane

Shirweyne lagu taageerayay shirka Muqdisho ka dhici doona ee arrimaha Jubbooyinka (SAWIRRO)

Recommended Posts

Daqane   

shirnairobi-2.jpg

 

Kullan ballaaran oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay soo qaban qaabiyeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu taageerayay shirka ka furmaya Muqdisho ee loo lagaga tashanayo aayaha arrimaha Jubooyinka, laguna soo bandhigayay xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobollada Jubooyinka.

 

shirnairobi-1.jpg

 

Waxaa kasoo qeybgalay in ka badan15 safaaradood iyo ururo caalami ah oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida, kuwaas oo si weyn u taageeray dadaalka xildhibaanada ee ku aadan taageerada shirka arrimaha Jubooyinka ee Muqdisho ka furmi doona iyo hergelinta dastuurka dalka u degsan.

 

Mudanayaasha kulankan soo abaabulay ayaa waxay ka mid ah Maxamuud Guure, C/raxmaan Xoosh Jibriil, C/laahi Goodax Barre ,C/laahi Jaamac iyo gudoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Xuseen Carab Ciise.

 

shirnairobi-2.jpg

 

C/raxaan Xoosh oo ka mid ahaa xildhibaanadii dowlada ay u dirtay Kismaayo si xal looga gaaro muranka ka jira Jubbooyinka, ayaa sheegay in nidaamkii loo maray dhisida maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe uusan ahayn mid sharci ah maadama aysan ku lug lahayn dowlada dhexe, waxaa uu taa badalkeeda qeexay in wadani Soomaaliyeed uu yahay Axmed Madoobe.

 

shirnairobi-3.jpg

 

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ahna gudoomiyaha Guddiga difaaca Baralamaanka Xuseen Carab Ciise oo ka jawaabayay su'aalo ay weydiiyeen qaar ka mid diplpmaasiyiintii kasoo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in dowlada aysan marnaba caqabad ku ahayn hormarka dadka deegaanka, balse la doonayo in qaab waafaqsan sharciga loo maro dhisida mamulada,si khilaaf iyo dagaal qabiileed looga fogaado.

 

Mudanayaasha shirkan soo abaabulay ayaa waxay ka mid ahaayeen Xildhibaano Dowladda u dirtay Kismaayo si xal looga gaaro arrimaha muranka badan dhaliyay ee u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulka Axmad Madoobe.

 

shirnairobi-4.jpg

shirnairobi-5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this